Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Gaalkacyo Dib ugusoo laabtay

September 14, 2015 - Written by Editor

IMG_2311Gaalkacyo:-Madaxwynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta oo taariikhdu 14-9-2015 dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib safar qaatay muddo 4maalmood ah oo uu kujoogey Magaalada Kismaayo ee xarunta dawlad goboleedka Jubba-land.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaamiyey ayaa garoonka diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf Airport ee magaalada Gaalkacyo waxaa kusoo dhoweeyey Guddoomiyha Baarlamaanka Puntland Mudane Siciid Xassan Shire, Xubno ka kala socdey Golayaasha dawladda, Saraakiil ciidan iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa warbaahinta uga warbixiyey safarkiisa oo kusaabsanaa kaqaybgalka caleemo saarka Madaxweynaha Jubba-land kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoyga uu ka deganyahay magaalada Gaalkacyo.

Waxaana uu sheegay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Safarkiisu inuu ahaa oo keliya kaqaygalka Caleemo saarka Madaxweynaha Dawlad goboleedka Jubba-land arrintaasina ay guul ugu soo dhammaatay, wuxuu kaloo sheegay madaxweyne Gaas inuu salaantii uu shacabka Puntland kaqaaday uu ka gaarsiiyey Madaxweynaha Jubba-Land iyo Shacabkiisaba sidookalen uu mid taa lamid ah kawada Reer Jubba-land Madax iyo shacabba.

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online