Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo (Masawiro)

September 11, 2015 - Written by Editor

IMG_5825Kismaayo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11-9-2015  si’ weyn loogusoo dhoweeyey  magaala madaxda Jubb-Land ee Kismaayo. Waxaana  qayb ka ahaa weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali  Xubno kasocda Labada gole ee Xukuumadda iyo Wakiillada, Saraakiil katirsan Madaxtooyada, Isimo , Cuqaal iyo Aqoonyanno.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo  Wefdiga uu hogaamaaminayo ayaa ah kaqayb galka Caleemo saarka Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Habeen dambe kadhici doonta Magalaada Kiskaayo ee Xarunta Maamulkaasi.

Garoonka diyaaradaha ee Magaala Madaxda Jubba-Land ee Kismaayo  ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Dawlad Gobleedka Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe, Xubno kasocda labadiisa gole,  Siyaasiyiin Isimo iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah oo muddo saacado ah garoonka kusugayey Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Intaasi kadib labada madaxweyne ayaa salaan sharaf kaga qaatay garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo cutubyo katirsan ciidamada Baambeyda Jubba-Land, waxaana uu madaxweyne Gaas midmid u gacan qaaday dadweynihii goobtaas kusoo dhoweeyey.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa loosii gelbiyey qasriga madaxtooyada Jubba-land halkasoo ay warfidiyeenada kula hadleen labada madaxweyne.

no images were found

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubba-Land iyo shacbiweynaha reer Jubba-land soodhoweynta qiimaha badan ee uu usameeyey isagoona sheegay inay tahay mid ay kulahaayeen, Madaxweynaha ayaa sidookale  sheegay Jubba-land maanta inay ka jirto Dawlad taabba gal ah ayna hiil iyo hooba lagarab istaagi doonaan dawladda Curdinka ah ee Jubba-land.

Habeenimada Sabtida ee fooda inagusoo haysa ayaa la filayaa in uu caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe ka qabsoomo gudaha Magalaada Kismaayo.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online