Madaxweyne Gaas oo deegaanka Bursaalax ka kormeeray xarumo waxbarasho dibna ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo.[Masawiro]

September 3, 2015 - Written by Editor

IMG_3688Gaalkacyo-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3-9-2015 kormeeray Dugsiga sare ee Burar, Dugsiga hoose dhexe ee Cirro, Ceelka biyaha iyo xarun caafimaad oo ku taala deegaan ka Bursaalax ee Gobalka Mudug.

Madaxweynaha iyo wegdiga uu hogaaminayo ayaa ugu horeyn kormeeray Dugsiga sare ee Burar ee deegaankaasi , waxaana siweyn ugu soo dhaweeyey maamulka, macalimiinta iyo ardayda waxkabarata dugsigaasi.

Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayuu madaxweynuhu u jeediyey ardeydaasi, waxaana uu kula dardaaramay inay laba jibaaraan dadaalka waxbarasho ee ay wadaan , si mustaqbalkoodu umira dhalo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray Dugsiga hoose dhexe ee Cirro, Ceelka biyaha iyo xarun caafimaad oo ku taala deegaanka Bursaalax ee Gobalka Mudug, waxaana uu halkaasi kala kulmay soo dhaweyn qiimo leh.

Ardayda waxkabarata Dugsiga hoose dhexe ee Cirro ee deeganka bursaalax ayuu madaxweynuhu ku booriyey in dadkooda iyo dalkooda ay wax ubartaan, maadama ay yihiin mustaqbalka berri ee la rabi in dalka ay horumar gaarsiiyaan uguna adeegaan waxa ay barteen.

Xarun caafimaad oo loogu adeego bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan deegaanka Bursaalax ayuu sidoo kale madaxweynuhu kormeeray , isagoona indha indheeyey qeybaha ay ka kooban tahay xaruntaasi.

Intaas kadib ayaa madaxweyne Gaas ka soo ambabaxay deegaanka Bursaalax oo uu xalay u hoyday , intii uu jidka ku soo jiray ayuuna ku hakaday deegaanka Beyra , waxaana halkaasi si balaaran ugu soo dhaweeyey waxgarad, cuqaal, dhalinyaro, haween , arday iyo masuuliyiin kale oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta madaxweynaha.

Bulshada deegaankaasi Beyra  ayuu la qaatay madaxweynuhu kullan gooni ah, waxaana ay ku amaaneen dadaalka iyo horumarka baaxadda leh ee uu kawado Gobalka Mudug ee Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo gebagebeeyey safarkii shaqo ee uu ku marayey Degmada Galdogob iyo deegaanada hoostaga ,waxaana uu dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

no images were found

 -DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

 

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online