Madaxweyne Gaas oo Hambalyo diray kuna baaqay joojinta colaada ka socota deegaanada Qorilay , Magaclay[Dhagayso]

September 23, 2015 - Written by Editor

gaasGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu Hambalyo ku aadan Munaasibadda Ciidul Adxaa u diray dhammaan umadda muslimiinta ah , gaar ahaan shacabka reer Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha farxadeed awgeed loo baahan yahay inay is cafiyaan dhammaan umadda Soomaaliyeed , islamar ahaantaana laga farxiyo dadka danyarta ah iyo ubadkeena soo koraya.

Ilaah waxaan ka baryayaa in sanadkaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo Nabad-gelyo, Horumar, Wadajir , Midnimo iyo inaan ka shaqeyno midnimadeena iyo horumarkeena ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya wanaagsanaato, in Soomaaliya horumarto, in Puntland meesha ay hada joogto sanandka dambe meel ka fiican ay gaarto dhanka horumarka iyo nabad-gelyada ‘’ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu sidoo kale baaq nabadeed oo ku aadan joojinta colaada ee ka socota deegaanada Qorilay , Magaclay iyo dhulka Howka ah u diray beelaha walaalaha ee ku dagaalamaya .

‘’ Waxaan u sheegayaa inaan dagaalku xal aheyn , mana jiro qof colaada ku guulaysanaya , waana kuu dhimay kaa dhimay , walaalkaa weeye waxa aad dilayso , kii kuu hiilin lahaa weeye kan aad maanta xabadda u haysato ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’ Waxaan rajeynayaa in caqligu shaqeeyo , waxaana rabaa inaan ku booriyo cilimo udiinka , madax dhaqameedka , isimada, ganacsatada , waxgaradka reer Puntland inay u kacaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen daminta colaadaasi’’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Ugu dambeyn waxaa uu Madaxweynuhu ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee dagaalamaya inay joojiyaan colaada, miiska wada hadalkana isugu yimaadaan si ay ugaaraan xal rasmi ah , oo looga gudbayo colaada taagan.

Hoos ka Dhagayso Hambalyada ciidul Adxaa ee uu diray Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/MADAXWEYNAHA-EE-HAMBALYADA-FROM-MUQDISHO.mp3]

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online