Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kormeeray xerada ciidamada Daraawiishta Ee 54 aad.(Masawiro).

September 15, 2015 - Written by Editor

11Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta kormeer ku tagay xerada ciidamada Daraawiishta ee 54aad ee Garoowe waxaana ujeedada kormiirkiisa ay ahay dhagaysiga cabashooyin dhanka mushaharka la xariira .

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxaa ku soo dhaweeyey xerada 54aad ee magaalada Garoowe Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Jen Saciid Maxamed Xirsi ( Saciid Dheere) iyo Taliye xigeenka ciidamada difaaca Puntland Jen Deyr Xaaji iyaga oo warbixino kala duwan siiyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntland eeku sugan xerada 54aad.Taliye xigeenka ciidamada difaaca Puntland Jen Deyr Xaaji ayaa warbixin kooban siiyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland isaga oo uga waramay xaalada ciidanka iyo waxyaabaha ay tabanayaan .

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan cabashooyinka ka soo yeeray ciidanka.Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Jen Saciid Maxamed Xirsi ( Saciid Dheere) oo isana ka hadlay goobta ayaa sheegay in ciidamada daraawiishta Puntland ay lafdhabar u yihiiin amaanka Puntland wuxuuna sheegay in guulo badan ay ka soo hoyeen howlgalo badan oo ay ku qaadeen kooxaha lidka ku ah amaanka Puntland wuxuuna ugu baaqay madaxda Puntland in wax laga qabto cabshooyinka ciidanka .

no images were found

.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa balan qaaday inay wax ka qabanayaan cabashada ciidanka ee dhanka mushaharka wuxuuna amaanay ciidanka daraawiishta Puntland oo ku howlan sugida amaanka deegaanada Puntland.

M_M Deeq
 Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online