Madaxweyne Puntland oo xerada Abqaalle Tababar ugu furay ciidan Boolis ah (Masawiro)

September 10, 2015 - Written by Editor

IMG_5486Abqaalle:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-9-2015 tababar ugu furay xerada Abqaale oo ku taala Degmada Xarfo Ciidan Booliis ah oo laga kala keenay Gobalada Barri, Karkaar iyo Ceyn ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray xeradaasi waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka Booliska ee uu halkaasi tababarka ugu furay ,waxaana uu ku dhiirigeliyey in casharada loo dhigayo ay si fiican uga faa’iideystaan si aqoontoodu u kobacdo .
’Dawladnimadu waa sharci iyo kala dambeyn , sharciga iyo dawladnimaduna gacmaha iyo lugaha ay ku adeegtaana waa Booliiska iyo maxkamadaha , runtiina muhiim ayaad noo tihiin ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’ Tababarkaan marka uu idiin dhammaado waxaan rajeynayaa in xaquuqdiina aad si joogta ah u heshaan , aysana dhicin dayac dambe oo ciidanka Booliska ah ‘’ Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynuhu.

Wajiyada Ciidankaan uu tababarka u furay Madaxweynuhu ayaa laga dareemayey farxad iyo reyn reyn, maadama ay furasad muhiim ah u tahay in aqoontooda kor loo qaado , si ay u gutaan waajibaadka shaqo ee horyaala.
Ciidankaan Booliiska ah ayaa waxaa ay isugu jiraan rag iyo dumar, tiradooduna waxaa ay dhantahay ku dhawaad 500-askari, waxaana uu tababarku u soconayaa 45-maalmood.

no images were found

Madaxweyne Gaas ayaa markii uu tababarka soo furay kadib waxaa uu shacabka Bacaadweyn kula qaxweeyey goob meherad ah oo saaran dhinaca laamiga.

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online