Mashruuca horumrainta hogaannada bulshooyinka Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2015 - Written by Editor

IMG_4052Waxaa subaxnimadii jimcaha hoolka shirarka ee hotel MOONLIGHT ee magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu daahfurayay Mashruuca(Jadaara) ee horumarinta hogaannada bulshooyinka Afrika qeybtiisa Soomaaliya , mashruucan oo ay iska kaashanayaan fulintiisa Markazka Altamayuz ee tababarada iyo horumarinta ee fadhigiisu yahay magaalada Qaahira & jimciyadda wadaniga ah ee AlSadaqa, mashruucan oo ay maalgelinayso hay’adda Almuntadal Islaami waxaa laga hirgelinayaa 14 wadan oo dhaca bariga & galbeedka Afrika ,waxaana ka mid ah wadankeena Soomaaliya.
Xafaladdan waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka socotay mu’asasada Al-Safa ee dacwada & horumarinta , Hay’adaha samafalka , aqoonyahanka, iyo ardayda ka faaideysanaysa mashruucaan & qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ugu horeyn waxaa xafladda furay mas’uulka jimciyadda Alsadaqa u qaabilsan mashruucan Ustaad Caydaruus Macalin Xasan, asigoo ka sheekeeyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucan illaa laga soo gaaro manta oo la daahfurayo, wuxuuna tilmaamay in muddo labo sano ah ay ayaga iyo Markazka tababarka ee Altamayuz ku howlanaayeen mashruucan , ilaahay fadligiisana manta uu soo gaaray marxaladaan aan manta arkayno, sidoo kale waxaa ka hadlay xafladda macalimiinta tababaryaasha ah ee fulinaya mashruucan oo kala ah Ustaad C/weli xasan & Ustaad shaafici C/casiis Xaaji Dhafe oo warbixin faahfaahsan ka bixiyeen mashruucan waxa uu yahay iyo cidda ka faaideysanaysa , ustaad C/weli ayaa tlmaamay in mashruucan tababarka ah ay ka faa’ideysanayaan 18 qeyb oo ka mid ah hogaanka bulshada Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin hogaannada dacwada , warbaahinta , hay’adaha samafalka , maamulyaasha dugsiyada , imaamyada masaajidda, shaqaalaha fulinta ee jimciyadaha, barayaasha jaamacadaha …, wuxuu kaloo caddeeyay in mashruucan wajigiisa 1aad lagu tababarayo 150 qof oo ah hogaanka bulshada, sidoo kale ustaad Shaafici ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leeyihiin tabarada noocaan oo kale ah , wuxuuna sheegay in hay’adahu ay ku bixiyaan malaayiin doolar sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen aqoontooda, wuxuuna caddeeyay in aan haaysano fursad weyn mar haddii Hay’adda Almuntadal Islaami ay bixineyso qarashka mashruucan , annagana nalaga rabo kaliya in aan ka faaideysano oo aan ka mirodhalino.

no images were found

Waxaa kaloo munaasbaddan ka hadlay masuulka dacwada ee mu’asasada Safa ,Sh Cali nuur Xoogsade oo tilmaamay in mashruucan tababarka uu wax weyn ka bedeli doono heerka aqoon iyo waxqabadka umadda , wuxuuna u rajeeyay in lagu guuleysto , waxaa kaloo goobta ka hadlay Sh C/fataax Xasan Axmed (Shimbirow) oo ka mid ah dadka ka faaideysanaya mashruucan tababarka ah, wuxuuna sheegay in wax weyn ayka rajaynayaan tababarkaan , waxaa kaloo xafladda ka hadlay Sh Aadan Xasan (Aadan Garre) oo ku hadlayay magaca hay’adaha samafalka , wuxuuna sheegay in mashruucan uu yahay noociisa kii ugu horeeyay ee wadanka laga hirgeliyo , wuxuuna tilmaamay in hay’adaha samafalaka , culimada dacwada , ardayda , bareyaasha jaamacadaha , warbaahinta… in dhammaan laga faaideysan doono mashruucaan, wuxuuna ilaahay uga barayay intii gacan ka geysatay hirgelinta mashruucan in Ilaahay khayr badan ku abaalmariyo.

Halgan.net
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online