Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ka tacsiyeeyey geerida Sh. Rashid Bin Maxamed Bin Rashid Al Makhtoum

September 19, 2015 - Written by Editor

sharmaarkeMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ra’iisul Wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta U.A.E oo wiilkiisa Sheekh Rashid Bin Maxamed Bin Rashid Al Makhtoum uu ku geeriyooday maanta magaalada Dubai.

“Innaa lillaahi wa inaa Illeyhi raajicuun, waxaa na soo gaartay geeri naxdin leh oo ku timid alle ha u naxariistee Sheekh Rashid, waxaana alle uga baryeynaa inuu janadiisa ka waraabiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxa uu yiri. “Aniga oo ku hadlaya magaceyga, kan Xukuumada iyo midka Soomaaliyeed, waxaan si gaar ah halkan tacsi ugu dirayaa Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ra’iisul Wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Rashid iyo dhamaan Qoyska, Qaraabada iyo shacabka Imaaraadaha Carabta U.A.E” ayuu yiri ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

—-DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online