Tababare C/Naasir Ibrahim oo Garowe ka bilaabay Ololihiisa (Dhoofka Dhalinyarada Iyo Khatarta Tahriibka).[Video/Masawiro]

September 9, 2015 - Written by Editor

15Garoowe:-Waxaa maalimihii lasoo dhaafay laga dareemayay hadal haynta Ololaha ka dhan ka ah Tahriibta kaas oo ka socday goobaha waxbarashada ee gudaha Caasimada Puntland . Aqoon yahan C/naasir Ibraahiim oo dalka ka maqnaa mudo 25 sano ah ayaa si rasmi ah uga bilaabay Machadka Caafimaadka ee Xaaji Cabdi Barnaamijkiisa uu ugu magacdaray (Dhoofka Dhalin yarada Iyo Khatrta Tahriibka ) Waxaana barnaamijkaan ku garabtaagnayd Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal.

Tababare Cabdi Nasir ayaa ardaydii uu kulakulmay mac-hadka Xaaji Cabdi u soo Bandhigay Muuqaalo ka tarjumaya dhibka ay la kulmaan dhalinta tahriibta u’aada dalka dibadisa sida Jirdil/Kufsi / Koronto Xiniinyaha Iyo Naasaha looga dhajiyo / Badda oo si bareer ah loogu daadiyo/iyo mida ugu weyn oo ah in xubin xubin loo iibsado meelaha ugu muhiimsan Jir kooda .

Dhanka kale waxaa uu ardayda u soo bandhigay halku dhegyo Ardayda ku dhiiri galiyay Wadaniyadda Iyo In ay dhulkooda Jeclaadaan taas oo sababtay in ay arday badan go’aan sadaan sidii ay dalkooda kheyraadka ka buuxa ula soo bixi lahaayeen.
Ardayda ayaa su’aalo ku weydiiyay gabagabdii waxaana tababare C/naasir Ibraahiim uu uga jawaabay su’aal waliba tusaalooyin ay ardaydu ku wada qanceen.

Barnaamijka (Dhoofka Dhalinyarada Iyo Khatrta Tahriibka ) ayaa Imaanaya xili Baahiweyn loo qabay maadaama ay Xiliyadii danbe aad u badatay Dhalinta Tahriib doonka ah iyo Khasaaraha Dhimasho ee ku soo dhacaysa Dhagaha Soomaalida.

Isku soo wada duuboo tababare Cabdinaasir ayaa la rajaynayaa un uu gaarsiin doono barnaamijkiisa dhamaan gobolladda dalka isagoo garabsanaya Mu’asasada Al-minhaaj Oo waxbadan la fududaysay Intuu howshaan ku gudajiray.

no images were found

Hoos ka Daawo Muuqaal kooban oo ku saabsan Ololaha C/naasir Ibrahim ee uu kaga digayo Halaaga Tahribka

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta
Mu’asasada Alminhaaj Puntland

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online