Taliska Gobolka Bari oo saxaafadda u soo bandhigay Tahriibayaal ay qabteen

September 14, 2015 - Written by Editor

1Boosaaso:-Saraakiisha Ciidanka Booliska Gobolka Bari iyo Maamulka Gobolka Bari ayaa waxaa ay si wada jir ah u qabteen shir jaraa’id oo ay ku soo bandhigeen kooxo wax tahriibay oo ay ciidanka Booliska Gobolka Bari ay ku soo qabteen howl galo ay wadeen maalmihii u danbeeyey.

Ciidana Booliska ayaa qabtay doon ay wateen labo nin oo la sheegay in ay ahaayeen kuwo wax u tahriibinayey dalka Yeman ka dibna ay tahriibayaashu uga sii gudbayeen dalalka Sudan iyo Libiya si ay ugu soo tahriibaan Yurub iyadoo Tahriinayaasha laga qaadayey xeebaha Gobolka Sanaag.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Maxamed Waceyd Dhedo oo la hadlay saxaafadda ayaa xusay in dhalinyarad loo soo bandhiga saxaafada ay yihiin koox danbiilayaal ah oo dadka tahriibiya ka dibna ay ciidanka Boolisku daba gal ka dib ay qabteen Maxkamadana la soo taagi doono.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Maxamed Waceyd Dhedo ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu baahiyey saxaafadda gaar ahaan idaacadda VOA oo ahaa in dhalinyaro Soomaaliyeed laga qaado xeebaha Puntland si ay ugu biiraan kooxda Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Syria.

Gudoomiayaha ayaa xusay in dhalinayaradaan ay yihiin kuwa tahriibayaal ah laamaha amaan kan Puntland ay dagaal kula jiraan Tahriibka iyo kooxaha kale ee burcadka ah.

Taliyaha Qaybta Booliska Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo isagana la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ciidanka Booliska iyo laamaha kale ee amniga ay ku howlan yihii sugida amaanka iyo la dagaalanka Tahriibka.

Taliyaha Qaybta Booliska Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa xusay in ay qabteen 2 nin oo ahaa kuwa wax tahriibinayey halka qaar kalena ay ku daba jiraan oo ay ku dhuumaalaysanayaan magaalada Boosaaso.

Ciidanka Booliska iyo kuwa Badda Puntland ayaa howl galo kale duwan ka waday xeebaha Puntland iyo magaalada Boosaaso si ay u qabtaan kooxaha wax tahriibiya ee ka ganacsada dadka ,Howlka ciidamada ayaa ymid ka dib markii waalidiin ay waayeen caruurtoodii ka diba ay cabasho ka jeediyeen saxaafadda.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online