Wasiirka Cadaalada dowladda Puntland oo booqday Agoonta magaalada Gaalkacyo.[Masawiro]

September 6, 2015 - Written by Editor

DSC02106Gaalkacyo:-Wasiirka Wasaarada Cadaalada Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dawladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa waxaa uu booqday xarunta Daryeelka iyo Dhaqan-celinta Agoonta ee Magaalada Gaalkacyo. Booqashadaani ayaa u jeed keedu waxaa uu ahaa u kuur galidda xaalada Agoonta ku xaraysan Kuleejada Gaalkacyo oo kamid ah Kuleejooyinkii ugu horeeyay ee laga furo Deegaanada Puntland taasi oo loogu tala galay Xanaanaynta iyo Waxbaridda Agoonta waxaana la aasaasay  1993 , waxaana Kuleejadu ay soo saartay Aqoonyahan badan oo qaarkood BHD Diyaariyeen.

Wasiirka ayaa Booqashadiisa waxaa ku weheliyay Gudoomiye kuxigeenka Dallada Xarumaha Agoomaha Puntland Sh.Bilaal Caad Godogode, C/razaaq Daahir Afrax Masuulka guud ee Kuleejada Agoonta Gaalkacyo. Wasiirka ayaa halkaasi waxaa kusoo dhaweeyay Maamulka , Macalimiinta iyo Ardayda Kuleejada oo uu horkacayay Khadar Axmed Maxamed Madaxa Tacliinta ee Kuleejada, waxaana ay soo mariyeen oo uu soo indha indheeyay Qaybaha Kuleejka sida :-

1-Fasalada Waxbarashada.

2-Laabka Computerada.

3-Barxada Kuleejada.

4-Kushiinka ama Meesha Cutada.

5-Qolalka Hurdada.

6-iyo Qaybta Maamulka.

Wasiirku waxaa uu Xogta Kuleejada ka dhagaystay Masuulka Guud ee Kuleejada C/razaaq Daahir Afrax iyo Madaxa Tacliinta ee Kuleejada Khadar Axmed Maxamed , iyo Gudomiye kuxigeenka Guud ee Dallada Xarumaha Agoomaha Puntland Sh.Bilaal Caad Godogode oo uga warbixiyay Xaalada Xarumaha Agoomaha Guud ahaan.

Wasiirku waxaa uu halkaasi kula hadlay Bahda Xarunta oo ay ugu Horeeyaan Ardaydu waxaana uu ku dhiiri galiyay Waxbarashada si ay u noqdaan Hogaanka Barito ee Dalka isaga oo sheegay inay Muhiimad gaar ah siinayaan Agoomaha ku xaraysan Xarumaha Agoomaha ee Puntland.

Si kastabada ha ahaatee Booqashadaani ayaa waxaa ay qayb ka tahay Dadaalada uu wado Wasiir Saalax isaga oo horay u booqday Xarumaha Agoomaha ee Galdogob , Bursaalax iyo Beyra.

no images were found

Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi

Gaalkacyo – Puntland – Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online