Al-Shabaab ,AMISOM ,DFS oo ka hadlay Dagaal ka dhacay Deegaanka Halgan

June 9, 2016 - Written by Editor

1Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan waxaana qolo walba ay ku faaneysaa in ay guulweyn gaartay ,kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dishay ciidanka AMISOM ilaa 60 askar halka AMISOM ay sheegtay in AL-shabaab ay ka dishay 110 askari.

Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa isna sheegay in dagaalka ka dhacay deegaanka Halgan lagu jabiyey kooxda Al-Shabaab wuxuuna sheegay in ay ka dileen Al-Shabaab 120 askari dhinacoodana ay ka dhaawacmeen 10 askari.Wasiirka Amniga ee DFS oo la hadlay Radiyaha dowlada ayaa sheegay in 240 ka dhinteen Al-shabaab.

Warmurtiyeed ka soo baxay Wasaarada G/dhiga ee DFS ayaa lagu sheegay in 120 askari laga dilay kooxda Al-Shabaab wuxuuna u qornaa sidan.

Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha oo shir Jaraa’id qabtay kadib weerarkii khasaaraha badan ka soo gaaray kooxda Al-shabaab ee ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, ayaa ka warbixiyay sidii ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay weerarkii fashilmay ee saakay subixii hore ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen fariisin ay deegaanka ku lahaayeen Ciidamadda AMISOM ee Ethiopia uu jab xoogan ka soo gaaray Al-shabaab, wuxuna tilmaamay in qorshuhu ahaa sidii ay horey u sameyn jireen in ay dhibaato xoogleh gaarsiiyaan Ciidamadda AMISOM, balse ay ciidamaddu u diyaar sanaayeen ka hortagidda weerarada cadowga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in weerarkii saakay lagu dilay in ka badan 120 dagaal yahan, laguna qabtay hubkii ay wateen oo isugu jirey qoryaha fudud iyo kuwa daran-dooriga u dhaca.

“Abaare shantii aroornimo ee saakay Ciidamadda AMISOM ee Ethiopia fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Halgan ayaa waxaa weerar qorshaysan ku soo qaaday malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna weerarkaasi ku bilowday Qaraxyo kadibna dagaal toos ah ayuu isu badelay, inta hadda naloo xaqiijiyay waxaa dagaalkaas lagu dilay 120 dagaal yahan oo ka tirsan Nabad-diidka, waxaa sidoo kale la qabtay hubkii ay wateen. Dhanka Ciidamadda AMISOM iyo kuwa Soomaaliya waxaa la xaqiijiyay 10 askari in ay ku dhinteen.”ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiirka ayaa xusay dagaalkii saakay dhacay oo ay ka qeyb qaateen Ciidamadda Dawladda Soomaaliya ee deegaanka fariisinta ku leh in kooxaha nabadda diidan khasaarihii ugu ballaarnaa muddooyinkan uu ka soo gaarey, isla markaana Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii xoojin doonaan bishan barakeysan ee Ramadan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

—DHAMMAAD—-

Guulaha ay sheeganayaa Al-Shabaab ,AMISOM ,DFS ayaa jirin ilo ka madax banaan oo xaqiijin kara

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online