Bandhig buug cusub Shiicada, Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika W/Q Cabdulqaadir Cabdulle Diini.[Daawo]

June 14, 2016 - Written by Editor

diiniWaxaa soo baxay buug cusub, oo ku qoran luqaddeena hooyo ee Af-soomaaliga, kana hadlaya arrin mudan in xilligan wax laga qoro, bulshaduna wax ka ogaato. Waa arrin taabanaya bulshada caqiidadeeda iyo dhaqankeeda suubban. Waa caqiidada iyo mabda’a kooxda Shiicada. Waxaa dhowaan la soo bandhigey buuggaas ka hadlaya caqiidada iyo taariikhda shiicada, cinwaankiisuna yahay: SHIICADA; CAQIIDADEEDA IYO SOOYAALKEEDII GEESKA AFRIKA.

Wuxuu buuggu wax ka bidhaaminayaa caqiidada kooxda iyo taariikhdeedii. Waxay qormadu si gaar ah wax uga taabaneysaa taariikhdii kooxda ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Sidoo kale, siyaasadda u degsan dawladda Iiraan oo xilligan matasha bulshada shiicada, taas oo ay kula dhaqanto dunida muslimka iyo tabaha ay u adeegsato fidinta caqiidada iyo siyaasadda shiicada.

Lifaaqan hoose waxaad ka daawan kartaa qoraha buugga oo si kooban uga hadlaya buugga, kuna sharraxaya ujeeddada buugga, qaybihiisa, meesha laga heli karo iyo waxyaabo la mid ah:-

Qoraaga Buugga Cabdulqaadir Cabdulle Diini

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

272,549 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>