Culimada Puntland oo baaq nabadeed u diray beelaha ku diriraya deegaanada Dharkayngeeyo ee gobolka Soo.l[Dhagayso]

June 7, 2016 - Written by Editor

20160606_101516Boosaaso:-War saxaafadeed ay qabteen qayb ka mid ah culimada culimada waaweyn ee Puntland ayaa baaq nabadeed waxaa ay ugu direen beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmaray deegaanada ku xeeran tuulada Dharkayn geeyo , culimada ayaa ugu baaqay in dagaalkaas si degdeg ah loo joojiyo waxaan ay soo saareen bayaanka hoos ku qoran:-

Baaq Nabadeed ee ay culimadu ka soo saareen dagaalka ka dhacay Dharkeyn geeyo:-
Hordhac

Mahad oo dhan Ilaah baa iska leh, nabadgelyo iyo ammaanna nabigeennni Muxammad ahaa, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo intii wanaag ku raacda ilaa qiyaamaha dushooda ha ahaato. Intaas ka dib

Baaq nabadeed:-

1- Waxaan ku baaqaynaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Galbeedka Sool gaar ahaan Tuulada Dharkayn Geenyo iyo deegaanada ku xeeran.

2- Waxaan ugu baaqaynaa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya deeganadaas in ay Allaah ka cabsadaan kana waan toobaan daadinta dhiigga dadka Muslimiinta ah ee alle xarrimay.

3- Waxaan caddaynaynaa in ay xaaraam tahay oo aan islaamku ogolayn in lagu xadgudbo qofka muslimka ah ,dhiiggiisa ,maalkiisa iyo sharaftiisaba, waxaa kale oo ayana xaaraam ah in lagaga qayb qaato dagaalkaas muruq ,maal iyo taageero kaleba .

4- Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan Maamullada Saamaynta ku leh deeganadaas lagu dagaalamayo iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta joojinta colaadda socota in ay si wax ku ool ah oo weliba deg deg ah wax uga qabtaan daminta colaada ka aloosan degaanka Dharkayn Geeyo iyo nawaaxigeeda.

5- Waxaan ugu baaqaynaa ,isimada, culimada ,ganacsatada iyo dhamaan wax garadka kaleba in ay si deg deg ah ugu istaagaan sidii loo joojin lahaa colaadaas iyo nabadaynta dadka walaalaha ah.

Saxiixayaasha baaqan :-

1- Sheikh Daahir Aw Cabdi

2- Sheekh Xasan xuseen Axmed

3- Sheikh Axmed Daahir xasan

4- Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Dhawre

5- Sheekh Maxamed Macalin Axmed

6- Sheikh Xassan Maxamed Muuse bookh

7- Sheikh Maxamud Xaaji Yuusuf

8- Sheikh Fuaad Maxuud Xaaji Nuur

9- Sheikh Axmed Faarax Garaase

10-Sheekh Faarax Maxamed Cajab

11-Sheikh Mahad C/laahi

12-Sheikh Aadan Maxamed cigaal

13-Sheekh Axmed Yuusuf Daad

14-Sheikh Cusmaan Maxuud Dirir

15-Shekh Maxamed c/laahi c/le

Halkaan ka Dhagayso Baaqa culimada ay ka soo saareen  colaad deegaanka Dharkeyn Geeyo ee Gobolka Sool

Mu’ssadda Al-minhaaj
Bosaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online