Golaha Wasiirada oo Guddi u saarey Walaaca Culimada ee Sharciga Gender-ka.[Masawiro]

June 30, 2016 - Written by Editor

IMG_6129-696x464Muqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Kulanka Golaha ayaa guud ahaan looga dooday Sharciga Genderka oo dhawaan ay qaar kamid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed dhaliileen qodobo ku jira.

Ra’iisul Wasaare Sharmaarke ayaa soo dhaweeyey culumada sheegayna in Golaha Wasiirada oo wada muslimiin ah aysan diinta gaf ku sameyn karin, sidoo kalena xusey in culumada iyo dawladda muhiim tahay in ay iska arkaan arrimahan oo kale ka hor inta uusan gaarin Saxaafadda.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in si wanaagsan loo dhageysan doono baaqa culumada Soomaaliyeed, lana ogaan doono qaladka ay arkeen.
isagoo xusay in ansixinta xeerka Genderka ka hor la hubiyay in ay san ku jirin qodobo ka hor imaanaya Shareecada Islaamka iyo Qaanuunka u yaala dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa guddi u saarey arrinta la xiriirta Buugga Genderka ee walaaca ay ka qabaan Culimadu, waxana ay guddigan ka wada shaqayn doonaan in la isla eego guud ahaan qodobada uu ka kooban yahay si meesha looga saaro wax walba oo walaac keeni kara.

Sh. Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Majmaca Culimada, ayaa Xukuumada uga mahaceliyay fursada ay u siiyeen in ay Golaha hor yimaadaan, wuxuna tilmaamay in xukuumada ay isku raaceen in diinta la wada ilaalin doono, aadna ay uga xunyihiin sida loo fasirtay bayaankoodii.

—DHAMAAD—

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online