Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho.[Masawiro]

June 16, 2016 - Written by Editor

IMG_5495-2-640x427Muqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir. Shirka ayaa looga dooday qodobo kala duwan, iyadoo lagu meel-mariyey xubnaha Guddiga Saxaafadda Soomaaliya.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixinta Amniga ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, isagoo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey howlgallada ka socda dalka. Wasiirka ayaa xusay in dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay dalka ay sababeen in kooxaha nabadda diidan dhex-dooda ay kala jabeen, iyadoo dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey waayeen xubno iyo saraakiil muhiim u ahaa kooxda.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Golaha Wasiirada u soo gudbiyey xubnaha guddiga Saxaafadda Soomaaliya, guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa lagu soo xulay aqoonta ay u leeyihiin saxaafadda iyo shuruucda hagaysa. Golaha ayaa dood dheer kadib ansixiyey guddigan, waxana ay soo jeediyeen in qodobada qaar wax ka badel lagu sameeyo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/rixmaan Odawaa ayaa warbixin ka siiyey Golaha Wasiirada halka uu marayo barnaamijka Hiigsiga 2016 iyo raashin ay leedahay Hay’adda WFP oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

—DHAMAAD—

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online