Heshiis Dhexmaray dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlada Turkiga (Akhriso)

June 4, 2016 - Written by Editor

3Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ka qeybgaley munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho oo ay labada dalka ku kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo iskaashi.

Heshiisyada ay labada dal kala saxiixdeen oo gaaraya sagaal ayaa waxaa ka mid ah:

-Iskaashi dhexmaraya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu (AA).
– Heshiis la xiriira canshuuraha.
– Heshiis dhinaca caafimaadka xoolaha
– Heshiis dhinaca kobcinta iyo xaq-dhowrka maalgashiga.
– Heshiis dhinaca tababarka booliska.
– Heshiis dhinaca waxbarashada.
-Heshiis dhinaca tababarka iyo iskaashiga caafimaadka milatariga.
– Heshiis dhinaca tamarta iyo macdanta.
– Heshiis dhinaca shaqada, shaqaaleynta iyo tayeynta xirfadaha.

Heshiisyadan waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr. Cabdisalaam Hadliyeh Cumar, Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aadan Ibraahim, iyo Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf.

Dhinaca Turkiga waxaa heshiisyadan qalinka ku duugay Wasiirka Dhaqaalaha, Nihat Zeybekci, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mevlüt Çavuşoğlu iyo Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka ee Turkiga Andolu, Senol Kazanci.

—————-DHAMMAAD—————–

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online