Imtixaankii Gabagabada ee Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda Buuhoodle oo maanta La soo xiray.[Masawiro]

June 10, 2016 - Written by Editor

DSC01567Buuhoodle:-Imtixaankii Gabagabada ee Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda Buuhoodle ayaa maanta si rasmi ah loogu soo Gabagabeeyey Xarunta Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn waxaana Imtixaanka galay Arday wax ka barta qaybaha kala duwan ee Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle.

Imtixaanka ayaa Waxaa uu ka soconayey Xarunta Jaamacada Maalmihii lasoo Dhaafay iyadoo uu ahaa Imtixaankii ugu danbeeyey ee Sanadka oo Ardaydu ku Qalin Jabin Doonto. Maamulka Jaamacada iyo Ardayda ayaa ahaa kuwo ku Faraxsan Imtixaanka Jaamacada waxaana wajiyadooda ka muuqatay walwal la aan.

Sh.Axmed Maxamed Samatar oo ku hadlayey Xafiiska Imtixaanaadka Jaamacada oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku Faraxsan yahay in Rabi Mahadiis Imtixaanku uu u soo gabagaboobo. Madaxa Jaamacada Bariga Afrika Qaybteeda Buuhoodle Cabdi Shaafi Axmed Cali ayaa ka mid ahaa Masuuliyiintii maanta Goob Jooga ka ahaa Habsami u socodka Imtixaanka Jaamacada.

Dhanka kale Waxaa maanta Jaamacada soo Booqday Qaar ka mid ah Qurba Joogta Deegaanka kuwaas oo indha indheyeey Horumarka ay Jaamacadu samaysay Mudadii Koobnayd ee ay Deegaanka ka Hawl galaysay.

Ugu Danbayntii Qurba Joogantan ayaa Warbaahinta la Hadlay iyagoo sheegay in ay ku Faraxsan yihiin Horumarka Jaamacada dhanka kalena Baaq u Diray Qurba Joogta Deegaanka kuwaas oo ay ka cod sadeen in Jaamacada dhan kasta laga taageero.

En Mawliidd Isma Haradigeed
Lascaanood,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online