Kulan-weynihii 3aad ee Walaalaynta Ummadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Koonfurta Gaalkacyo lagana soo saaray Bayaan.[Masawiro]

June 30, 2016 - Written by Editor

Gaalkacyo:- Waxaa Subaxnimadii Arbacada oo ku beegnayd 17/Ramadan/1437 hijriga ama 22/6/2016 Koonfurta Gaalkacyo ka furmay kulan-waynihii saddexaad ee walaalaynta ummada Soomaaliyeed kaasoo ay qaban jirtay Dalladda Ardayda ka Baxay Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya, kaas oo ay marti galisay Ururka Ardayda ka Baxay macadka Imaamul Muzani ee koonfurta Gaalkacayo.

Wafdiga kulankaas ka qayb galay ayaa ka kala yimid lix magaalo oo kala ahaa Boosaaso, Garowe, burtinle, Gaalkacyo, Koonfurta Gaalkacyo ee Gal-mudug, Galdogob iyo Buuhoodle; Dhalinyaradaas kulanku u furmay ayaa xubno ka kala ahaa ururada hoos yimaada Dalladda ardayda ka Baxday Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya ee magaalooyinkaas ka kala dhisan.

Kulan waynuhu wuxuu Socday 22-24/6/2016, Waxaana Subaxnimadii ugu horrayay la qabtay Shir Saxaafadeed lagu daahfurayay Kulan-waynaha 3aad ee walaalaynta Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ugu horrayn ka hadlay Keyse Cabdirashiid Sh.Axmed oo ahaa guddoomiye ku xigeenka ururka ardayda ka baxay macadka Imaamul-Muzani ee K.Gaalkacyo, intaa waxaa xigay guddoomiyaha Dalladda Ardayda ka Baxday Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya Dr.Cabdiraxman Xassan Yuusuf oo ka warbixiyay ujeeddada iyo ajandaha kulankooda, waxaa xigay gudduumiyaha Jamaacadda Bariga Afrika qaybta Gaalkacyo Dr.Aadan Max’ed Cigaal iyo madaxa kulliyadda shareecada JBA Sh.Baddal Maxamuud, waxaa hadalka qaatay Madaxda Mu’asasadka sida Mu’asasada Safa oo uu u hadlay guddoomiyaha golaha shuurada Sh.Axmed Maxamuud Cilmi iyo Mu’asasada Al-Minhaaj oo uu u hadalay Sh.Maxamed Siciid Muuse, Ganacsatadaa hadalka la wareegtay, waxaana u hadlay Cali Tahliil oo ah guddoomiyaha Shirkadda Is-gaarsiinta Hormuud; Oday Dhaqameedkana waxaa u hadalay Xassan Cali Xuseen iyo Cabdikariim Sheekh Axmed Xassan; ugu danbayn waxaa Shir-Saxaafadeedka soo xiray Maayarka K.Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre asagoo u mahad-celiyay Dalladda Ardayda ka Baxaday Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya, furayna Kulan-waynaha 3aad ee Walaalaynta Ummadda Soomaaliyeed.

Kulan-waynaha waxaa kasoo qeyb galay :-

1- Ururka Ardayda ka Baxday Macadka Al-Sunna ee Magaalada Muqdisho.
2- Ururka Ardayda ka Baxday Macadka Imamul-Muzani ee K.Gaalkacyo.
3- Ururka Badar ee Ardayda ka Baxday Macadka Faaruuq ee W.Gaalkacyo.
4. Ururka Birri ee Ardayda ka baxday macadka imamul-bukhaari ee magaalada Galdogob.
5. Ururka Xadiith ee ardayda ka baxday Macadka Hidaaya ee Magaalada Burtinle
6. Ururka Al-Wafaa ee ardayda ka baxday Macadka Khadiija ee Magaalada Garowe.
7. Ururka ardayda ka baxday macadka Ibnu Xajar ee Magaalada Boosaaso.
8. Ururka ardayda ka baxday Macadka Al-Furqaan ee Magaalada Buuhoodle.

Waxaa isla galabtii hoolka dugsiga al-shacab si toos ah uga bilowday kulan-waynihii walaalaynta iyo soo bandhigidda waxqabadkii u qabsoomay muddadii lasoo dhaafay ururada ardayda ka baxay macaahidda sharciga ah ee aan kor ku so xusnay.

Maalinimadii jimcaha ahaydna waxaa la qabtay shir saxaafadeed lagu soo af-meerayay kulan-waynaha 3aad ee walaalaynta ummadda Soomaaliyeed, waxaana ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada ee ay ugu horreeyaan culumada, maamulka degmada, oday dhaqameedka, dhalinyarada iyo haweenka, waxaana shirkaas ka hadlay ururadii kasoo qayb galay kulanka, culumadii magaalada, maamulka mu’asasada Al-Safa, guddoonka Jaamacadda GU, oday dhaqameedkii magaalada, Guddoomiya Dalladda ardayda ka baxday Macaahidda sharciga ah ee Soomaaliya oo war-murtiyeedkii kulanka kasoo baxay soo jeediyay, ugu danbayna shirka waxaa soo xiray guddoomiye ku xigeenka K.Gaalkacyo.

Kulan waynahaas waxaa barbar socday Shaqooyin kaloo fara badan, waxaana masaajidda magaalada laga galay 12 muxaadaro oo badidood walaaltinimada Islaamka ka hadlayso, sidoo kale waxaa la booqday ilaa 4 goobood oo Cusbitaallo, Goobo Waxbarasho iyo Dalxiis isugu jira, waxayna ururada bulshada iyo Dalladda Ardayda ka baxday macaahidda ay galen ilaa 4 kulan oo barbar socday Kulan waynaha 3aad ee Walaalaynta ummadda Soomaaliyeed. Halkaan ka eeg Bayaanka laga soo saaray kulanka walaalaynta

Mu’assadda Minhaaj
Gaalkacyo,Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online