Maamulka Halgan.net oo Umadda Soomaaliyeed dal iyo dibad ugu Hambalyaynaya bilashada Bisha Ramadaan

June 5, 2016 - Written by Editor

IMG-20150617-WA0018Mecca:- Maamulka iyo howlwadeenada Halgan.net waxay ugu hambalyeynayaan umadda muslinka ah guud ahaan gaar ahaa bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibadba bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan waxaana dhamaan alle uga baryeynaa umada Muslinka ah meel walba ay joogaan in alle dhibaatada ka qaado kana dhigo kuwii ka faa,ideysta fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dalalka sidda rasmiga ah maalinta beri ah Soomaya lagana arkay bisha waxaa ka mid ah Sacuudiga ,Urdun , Imaaraadka , Turkiga  Malaysia, Indonesia ,Falastiin iyo dalal kale oo fara badan.

Shacabka Soomaaliyee ee ku sugan dal iyo dibadba waxaan leenahay Ramadaan Allaha naga aqbalo cibaadadeena , Bisha Ramaadaan waa fursan qaali ah waxaan ugu baaqaynaa dhamaan umada Soomaaliyeed in ay ku midoobaan qabsadaan kitaabka alle iyo sunada Nabigeena Maxamed CSW.

Waxaan kale oo ogeysiineynaa Dhamaan Akhristayaasha Halgan.net in Radio Halgan Live in haddii Alle idmo ay jiri doonaan Duruus iyo Fataawo Live ah oo diirada lagu saari doona Ramadaanka iyo Axkaamtiisa taas oo ay ka qeyb gali doonaan culumo kala duwan oo sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

Duruusta iyo Fataawaha bisha ramadaan ayaa waxaa sidoo kale Live ugula socon doontaa Radio Halgan Live iyo Radio Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland Waxaa kale oo aad si sahlan ugu shuban karaan telkooda gacanta Radio Halgan Live Google Play hadii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android hadii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store .waxaad ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah maaha . Halkan ka Dajiso Radio Halgan Google Play Halkan ka Dajiso Radio Halgan Live App Store

Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin.

Hoos ka Dhagayso si live ah Radio Halgan iyo Idaacadda Radio Al-xikma

ama Halkaan ka Dhagayso

Halkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.

Halkan ka eeg Mareegta Radio Halgan Live

Maamulka Radio Halgan Live

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online