Maamulka Jubaland oo sheegay in la dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab (Daawo)

June 1, 2016 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:– Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ee Jubaland ayaa sheegaya in howlgal ay qaadeen ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa Jubaland xalay saq dhexe ay dileen Maxamed Maxamuud Dulyadeyn oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ee Jubada Hoose.

Maxamed Maxamuud Dulyadeyn ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday ardaydii dhiganeysay Jaamacadda magaalada Garissa ee xarunta waqooyi Bari Kenya .

Howlgalkan lagu dilay Maxamed Maxamuud Dulyadeyn iyo rag kale oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Buulo-gaduud oo ku yaalla waqooyiga magaalada Kismaayo waxaana weerarka fuliyey ciidamada Danab ee DFS ,kuwa Jubaland oo taageero ka helaya kuwa Mareykan ah.

Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa ku soo bandhigay maanta Kismaayo meydadka afar qof oo ay sheegeen in uu ka mid yahay Maxamed Maxamuud Dulyadeyn .

Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa xaqiijiyey in la dilay Dulyadeyn wuxuuna ku faanay in saraakiil kalana ay khaarajiyeen.

Maxamed Maxamuud Dulyadeyn ayaa waxaa ay Dowladda Kenya ku eedeysay in soo abaabulay dilka 147 arday oo lagu dilay Jaamacada Garissa waxayna madaxiisa duldhigtay aduun lacag ah,

Ilaa haatan kooxda Al-Shabaab kama hadal dilka ay Jubaland sheegtay in loo geystay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab .

Hoos Ka Daawo Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan)  oo ka hadlaya dilka Maxamed Maxamuud Dulyadeyn

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online