Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Boosaaso gaaray (Masawiro)

June 8, 2016 - Written by Editor

IMG_0711Madaxweynaha  Dawllada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 8 june 2016 dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha Dawlada Puntland oo safar shaqo oo qaatay mudo 4 maalmood ah ugu maqnaa magaalada Abu-dhabi ee xaruntka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynha Iyo weftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen garoonka caalamiga ah ee Boosaaso Airport waxaa loo gelbiyey qolka nasashada halkaasi oo uu madaxweynuhu kula hadlay warbaahinta kala duwan.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka warbixiyey safarkii sahqo ee uu ku tagay wadamada Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in safarkaasi ku soo gebageboobay guul iyo is afgarad.

“Waxaanu safar shaqo ku tegay Magaalada Abu-dhabi halkaas oo aanu kula kulanay madaxda dalkaasi iyo shirkado shisheeye oo danaynaya inay maalgashadaan Puntland,

kulamadii aan la yeelanay madaxdii aan la kulananay waxay ahaayeen kuwo ku saabsanaa adkaynta amniga, xoojinta xidhiidhka siyaasadeed ee u dhaxeeya Puntland iyo UAE iyo kobcinta ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.” ayuu yidhi Madaxweyne Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugudanbayntii Madaxweynaha Dawllada Puntland ayaa uga mahadceliyey maamulka gobolka, kan degmada, golayaasha Dawladda iyo dadwaynihii kale ee sida diiran usoo dhaweeyey.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online