Madaxweynaha Dawladda Puntland oo booqasho ugu tegay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.[Masawiro]

June 7, 2016 - Written by Editor

IMG_0693Madaxweynaha Dawllada Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Magaalada Abu-Dhabi ee Caasimada Wadamada Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 6 june 2016 booqday Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo halkaasi hawlo caafimaad u jooga.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo maalintii saddexaad ku sugan Magaalada Abu-Dhabi oo uu hawlo shaqo u joogo ayaa booqashadiisa maanta ee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed waxay ahayd sidii madaxweynuhu uu xaalada caafimaad ee Garaadka uu wax uga ogaan lahaa.

Madaxweynaha ayaa Garaad Saleebaan Garaad Maxamed illaahay uga baryey in uu siiyo caafimaad wanaagsan isla marhaantaana u sheegay inuu ka warqabi dooono xaaladiisa tan iyo inta uu soo dhamaysan doono hawlahiisa caafimaad ee uu ujooga Magaalada Abu-Dhabi.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo xaaladiisa caafimaad ay ahayd mid aad iyo aad u wanaagsan ayaa madaxweynaha u sheegay in uu aad iyo aad u ladan yahay illaahayna uu uga xamdi naqayo caafimaadka uu siiyey.

Sidoo kale Garaadka ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland kaalintii weynayd ee uu ka qaatay dedaadlkii loo galay sidii dhakhtar caalamiya loo geyn lahaa si uu u helo adeeg caafimaad oo wanaagsan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa tan iyo shalay kulamo gaar gaar ah la lahaa madaxda Dawladda Emaraadka Carabta iyo maalgishiyo shisheeya oo danaynaya inay Puntland maalgashadaan.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online