Madaxweynaha dawladda Puntland oo maanta furay kalfadhigii 37aad ee Baarlamaanka Puntland.[Masawiro]

June 15, 2016 - Written by Editor

IMG_1169Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15-June-2016 furay kal-fadhigii 37aad ee golaha wakiilada dawladda Puntland, waxaana kasoo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, xubnaha labada gole ee dawladda Puntland, xubno ka socda Baarlamaanka Jubbaland, xubnaha beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

Kalfadhiga ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka dawladda Puntland  ahna ku simaha guddoomiyaha Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, waxaana uu kal-fadhigani  noqonayaa kii 37aad ee muddadi ay Puntland jirtey sidoo kalena waa kal fadhigii 6aad ee baarlamaanka hadda jira.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey kalfadhiga 37aad ee golaha wakiillada ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray horumarrada ay dawladdu ku tallaabsatay intii u dhexaysey kalfadhigaan iyo kii ka horreeyey.

Madaxweynaha ayaa xusay in dawladdu ay horumarro la taaban karo ka gaadhey dhinacyada Ammaanka, siyaasadda, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, dhiirri gelinta ganacsiga, dhowrista deegaanka badda iyo berriga, soo celinta hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland iyo kor u qaadidda iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hablayo u diray ciidamada difaaca Puntland waxaana uu ku ammaanay guulihii lama illaawaanka ahaa ee ay kasoo hooyeen kooxihii sharwadayaasha alshabaab ka tirsanaa ee duullaanka kusoo qaaday  Puntland.

“haddii gacanta cadowgu ku gaarto adigoo dalkaaga iyo dadkaaga u shaqaynaya waxaa tahay shahiid, haddii cadow kugu soo duuley aad iska difaacdana waxaa tahay Mujaahid” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali waxaa uu sheegay in dawladda Puntland ay dedaal dheeraad ah ku bixisay sidii dalka Soomaaliya looga saari lahaa wax ku qaybsiga qabiilka ee 4.5 isla markaana go’aan kama dambays ah oo dammaanad qaad leh laga gaarey in aan mar dambe dalka dib loogu celin hannaankaas oo hore u soo ragaadiyey dalka Soomaaliya.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu baaqay Madaxda dawladda Federaalka Soomaaliyeed in ay waqtiga yar ee dhiman ay uga faa’iideyaan shacabka Soomaaliyeed ayna isla markaana ka shaqeeyaan hirgelinta doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha August iyo September sidii lagu heshiiyey shirarkii Madasha watashiga qaran.

no images were found

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Madaxweynaha Puntland ka jeediyey golaha Baarlamaanka Puntland

 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online