Madaxweynaha dawladda Puntland oo siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Gaalkacyo.[Masawiro]

June 30, 2016 - Written by Editor

IMG_8066Gaalkacyo:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ka kooban labada gole ee dawladda ayaa maanta 30-Jun-2016 safar shaqo ugu amba baxay magaaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa intii ay jidka kusii  jireen waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalooyinka Jalam,  Burtinle, Xarfo, Bacaadweyn iyo Cagaaran, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu mid-mid u gacan qaaday boqollaalkii dadweynaha ahaa e kusoo dhoweeyey magaalooyinkaasi, waxaana uu kula dar-daarmay in ay ka shaqeeyaan adkaynta amniga iyo xasiloonida deegaanadaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale magaalada Burtinle kulan gaar ah kula qaatay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo kamid ah bud-dhigayaashii Puntland, waxaana ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo Islaanku xaaladda guud ee nabad-gelyada gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug waxaa si weyn u soo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, saraakiil ciidan iyo boqollaal dadweyne ah oo u soo ban baxay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Soo dhoweyn ka dib Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa loosoo gudbiyey qasriga uu Madaxweynuhu ka deggan yahay magaalada Gaalkacyo,  halkaas oo uu kula hadlay qaybaha kala duwan ee warbaahinta isla markaana uga warbixiyey ujeedka socdaalkiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay u yimaadeen magaalada Gaalkacyo sidii isbeddel dhab ah oo dhinaca amniga ah loogu samayn lahaa magaalada  maadaama muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen falal is xig-xiga oo lagu bar-tilmaameed sanayey dadka biri-mageydada ah ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambayn Madaxweyne Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland meel walba oo ay joogaan in ay la shaqeeyaan laamaha amniga isla markaana ay meel uga soo wada jeesta kuwa cadowga ku ah amniga iyo xasilloonida gaamurtey ee ka jirta Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online