Madaxweynaha DFS oo la filayo inuu gaaro magaalada Nairobi ee dalka Kenya

June 5, 2016 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la filayo in uu saaka gaaro magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay in uu kala hadlo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta go’aanka Kenya, ee dib u-celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool xerada Dhadhaab oo ah xerada ugu weyn ee qaxooti Soomaaliyeed ku jiraan .

Madaxweyne Xasan Sheekh Maaxamuud ayaa isbuucii la soo dhaafay walaac ka muujiyey xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Dhadhaab isaga oo sheegay in ay sax ahayn in xoog lagu soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed.

Dowlada Kenya ayaa dhowr mar ku celisay in ay dib dalkeeda uga celineyso qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Dhadhaab sababo la xiriira ammaankeeda
A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online