Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain oo ku kulmay Muqdisho.[Masawiro]

June 2, 2016 - Written by Editor

4f827077-ddf0-4f23-989f-c3eb38378c16-696x391Muqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sh.Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Xog hayaha Arrimaha Dibedda ee Britain Philip Hammond oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho Madaxweynaha ayaa wafdiga uga xog waramey xaaladda dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dib u dhiska ciidammada iyo mahad celin ku saabsan taageerada Britain ee Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain Mr Hammond ayaa ugu horeyn Madaxweynaha uga tacsiyeeyay geerida shacabkii xalay ay argagixisada ku dileen Muqdisho, waxaana uu intaa kadib soo dhoweeyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaalanka argagixisada iyodib u soo nooleynta hay’adaha dowliga.

Labada dhinac ayaa si qota dheer uga wadahadley iskaashiga dhinaca amniga, xoojinta barnaamijka dowladda ee la socodka nidaamka maaliyadda, taageerada barnaamijka isku dhafka ciidammada, iyo wadashaqeynta ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale wasiirka u xaqiijiyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sannadkan doorasho qabato, taas oo dhici doonta waqtiga loogu talagaley ee ah bisha August ee sannadkan 2016-ka. Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey Mr Hammmond inuu salaan iyo mahadnaq ka gaarsiiyo Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Mr Philip Hammond ayaa iska hadalkiisa ku soo gabagabeeeyay in Britain iyo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cameron ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya, dhinacyada horumarka, kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo wax walba oo gacan ka geysanaya in mar kale Soomaaliya ay cagaheeda dib isu taagto.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qeybgaley Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.


—————-DHAMMAAD—————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online