Madaxweynaha Gal-Mudug oo dib ugu laabtay Magaalada Cadaado

June 25, 2016 - Written by Editor

DSC06853Cadaado:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado ee caasimada ku meel gaarka ah ee Galmudug kadib markii uu ka soo laabatay shirkii madasha qaran oo mudo sadax cisho ah uga socaday hogaamiyaashda madasha qaran magaalada baydhabo ee xarunta maamulka koonfur  Galbeed .

Wafdi Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka degmada cadaado madaxweyne ku xigeenak Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo qaar kamid Golaha wasiirada ,Xildhibaanada  iyo qeybaha bulshada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa markii ugu horeysay waxa uu mahad balaaran u jeediyay madaxweynaha maamulka koonfur galbeed iyo dhamaan shacabaka  koofur galbeed gaar ahaan shacabka  magaalada baydhabo sida wanaagsan oo ay u martigaliyeen shirka dhameystirka aayaha umada soomaliyeed runtiina shacabka magaaladaas ayuu ku tilmaamay ku aan marnaba la hilmaamin Karin isla markakna ay ka go antahay midnimada umada soomaliyeed.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa warbaahinta kaga war bixiyayay shirkii madasha qaran iyo wixii ka soo baxay waxa uu na sheegay in dhameeystirka howlaha madsha qaran in guulo waa weyn laga soo gaaray ayadoona waxyaabaha  laga heshiiyay ay ka midyihiin Gudiyada doorashooyinka ,miisaaniyada doora shooyinka  , gudiga xalinta qilaafaadka ,odayaasha  dhaqanka ayadoona la isla gartay in aan wax laga badalin odo yaashi hore wixii dhintana la soo badalo arimaha miisaaniyada doorashooyinka in ay bixiyaan dowlada iyo beesha caalamka .

Ugu danbeytii madaxweyne Cabdi kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dhamaan ka qeyb galayaashi madasha qaran baydhabo ay ka go’need u hiilinta midnimada umada soomaliyeed hirgalinta doorasho xor iyo xalaaha ah oo ka  dhacda soomaliya  galmudugna waxa ay diyaar garow ugu jirtaa diyaar garoow sidii ay dorashooyinka la filayo dhawaan in ay ka dhacaan Caasimada ku meel gaarka ah ee Galmudug Caado.

—————-Dhamaad——————–

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online