Madaxweynaha Puntland oo maalintii 2aad magaalada Baydhabo kaga qayb galay shirka Madasha wadatashiga.[Masawiro]

June 23, 2016 - Written by Editor

IMG_7020-640x426Baydhabo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23-Jun-2016 magaalada Baydhabo kaga qayb galay shirka madasha wadatashiga qaran oo maalintii labaad halkaasi ka soconaya isla markaana ay maanta qayb ka ahaayeen xubnaha beesha caalamka iyo guddiga danjirayaasha u dooda xuquuqda haweenka ee doorashooyinka oo ay guddoomiye u tahay Marwo Caasha Geelle Diiriye.

Shirkaan ayaa waxaa ka horreeyey kulan gaar ah oo u dhexeeyey Madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka, kaas oo diiradda lagu saarayey  hannaanka doorashooyinka iyo sidii loo ilaalin lahaa waqtiga yare ee kadhiman xilliga doorashooyinka.

Kulanka  intii uu socdey ayaa Madasha iyo beesha caalamku waxay isku af-garteen in doorashadu ay xilligeedii qabsoonto isla markaana aan la aqbali doonin in ay wax muddo kororsi ah samaysato hay’ad ka mid ah hay’adaha dawladda, sidoo kale Madaxda Soomaalida iyo beesha caalamku waxay soo jeediyey in laga fogaado wax walba khilaaf ku keeni kara hannaanka doorashooyinka.

Dhinaca kale shirkii madasha wadatashiga ee saaka ka furmay xarunta madaxtooyada maamulka koonfur-galbeed ayaa waxaa diiradda lagu saarayey oo keliya sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqda haweenka oo ah boqolkiiba soddon (%30) kuraasta baarlamaanka in ay noqdaan haween.

Guddiga danjirayaasha u dooda xuquuqda haweenka  ee doorashada ayaa madasha kasoo jeediyey khudbado ay si qoto dheer ugaga hadlayeen sida ay muhiimka u tahay in la ilaaliyo kuraasta haweenka ee baarlamaanka, sidoo kale waxay madasha kusoo bandhigeen shax muujiaysa beel walba oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed  inta kursi oo ay haweenku ku yeelan doonaan, taas oo ka-dhigan in tirada guud ee kuraasta haweenku ay ku yeelan doonaan Baarlamaanka ay noqon doonto 80-kursi.

Shirka ayaa kusoo idlaaday jawi deggan waxaana lagu ballamay galabta in markale dib laysugu yimaado isla markaana shirku uu halkiisa ka sii socdo si geba gebada ay uga soo baxdo natiijo wanaagsan oo ay ku wada farxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ah dadka quud-darraynaya siyaasadda dalka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online