Madaxweynaha Puntland oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey 26-Jun.[Dhageyso]
June 26, 2016 - Written by EditorMadaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26-Jun-2016 oo ku beegan 56-sano guuradii kasoo wareegtey markii ay gobollada woqooyi ee dalka Soomaaliya xorriyaddooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.
Madaxweynaha ayaa xusay maanta oo kale 56-sano ka hor in ay ahayd maalintii ugu horraysey ee ciidda Soomaaliyeed laga taago calanka Soomaaliya oo xor ah, isla markaana ay maanta farxad u tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
“waxaan maanta halkaan hambalyo uga diyarayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waxaana ugu hambalyaynayaa 26-Jun-1960 oo ah maalintii ugu horraysey ee calan Soomaaliyeed la taagey, waa maalin farxad leh, waana maalintii ay ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada woqooyi ee dalka ay ka xorowdey gumeystihiin Ingiriiska.
Maalintani waa maalin qiime weyn inoogu fadhida dhammaanteen haddaan Soomaali nahay,waana bilawgii dawladnimo Soomaaliyeed oo dhab ah” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.
Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed Eebbe uga baryey in uu siiyo dawladnimo Soomaaliyeed oo soo celisa sharaftii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed isla markaana ka shaqaysa midnimada iyo isu keenidda ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa lamid ah hawada u mariyey walaalaha Jabuuti oo iyaguna maalinnimada berri ah 27-Jun-1960 xorriyaddooda ka qaatay Gumeystihii Faransiiska, waxaana Madaxweynuhu Eebbe uga baryey in uu sannadka sannadkiisa barwaaqo iyo horumar ku gaadhsiiyo Dawladda Jabuuti.
Hoos Ka Dhageyso Hambalyada Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.