Madaxweynaha Puntland oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey 26-Jun.[Dhageyso]

June 26, 2016 - Written by Editor

IMG_7251Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26-Jun-2016 oo ku beegan 56-sano guuradii kasoo wareegtey markii ay gobollada woqooyi ee dalka Soomaaliya xorriyaddooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa xusay maanta oo kale 56-sano ka hor in ay ahayd maalintii ugu horraysey ee ciidda Soomaaliyeed laga taago calanka Soomaaliya oo xor ah, isla markaana ay maanta farxad u tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

“waxaan maanta halkaan hambalyo uga diyarayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waxaana ugu hambalyaynayaa 26-Jun-1960 oo ah maalintii ugu horraysey ee calan Soomaaliyeed la taagey, waa maalin farxad leh, waana maalintii ay ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada woqooyi ee dalka ay ka xorowdey gumeystihiin Ingiriiska.

Maalintani waa maalin qiime weyn inoogu fadhida dhammaanteen haddaan Soomaali nahay,waana bilawgii dawladnimo Soomaaliyeed oo dhab ah” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed Eebbe uga baryey in uu siiyo dawladnimo Soomaaliyeed oo soo celisa sharaftii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed isla markaana ka shaqaysa midnimada iyo isu keenidda ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa lamid ah hawada u mariyey walaalaha Jabuuti oo iyaguna maalinnimada berri ah 27-Jun-1960 xorriyaddooda ka qaatay  Gumeystihii Faransiiska, waxaana  Madaxweynuhu Eebbe uga baryey in uu sannadka sannadkiisa barwaaqo iyo horumar ku gaadhsiiyo Dawladda Jabuuti.

Hoos Ka Dhageyso Hambalyada Madaxweynaha Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online