Madaxweynaha: Siyaasadda dowladda waa mid dhiirigelineysa dhaqaalaha gaarka loo leeyahay.[Masawro]

June 19, 2016 - Written by Editor

IB0A3528Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jarey terminal cusub oo loo sameeyey Dekedda Caalamiga ee magaalada Muqdisho, kaas oo loogu talagaley fududeynta adeegga dekedda. Terminalkan cusub oo ah nooca loo yaqaan “Dry Port” oo ku yaalla meel ka yara baxsan dekedda ayaa loo adeegsan doonaa in la dhigo dhammaan konteenarada laga soo dejiyo Dekedda Muqdisho, halkaasina lagu marsiin doono nidaamka dejinta ee isugu jirta baarista, sugidda iyo canshuuraha badeecadaha kala duwan.

Waxaa Terminalkan cusub uu culeyska ka qaadi doona Dekedda Muqdisho, iyadoo la filayo in sidoo kale ay fududaan doonto muddada dejinta badeecadaha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal uu halkaa ka jeediyay waxaa uu u mahad celiyay shirkadda SIMATECH International oo iyadu maalgelisay hirgelinta mashruucan muhiimka ah.

“Siyaasadda dowladda ee dhinaca dhaqaalaha waa mid ku dhisan dhiirigelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay. Mashruucan ay shirkada Simatech ka fulisay Muqdisho waxaa u daliil cad u yahay in aan diyaar u nahay maalgashi dhaqaalaheena lagu kobcinayo. Waxaa qorshaha inoogu jira in aan sameysano xarumo kale oo dekedaha noocaan loo yaqaano “Dry Port’’ si aan ula jaanqaadno kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha dalkeena’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shaaca ka qaaday inuu jiro qorshe lagu ballaarinayo Dekedda magaalada Muqdisho iyo dekedaha kale ee muhiimka ee dalka ku yaalla. Munaasabaddan oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan labada gole ayaa sidoo kale waxaa ka hadley Guddoomiyaha Shirkadda SIMATECH International, Mohamed Reza Maghami.

no images were found

———————-DHAMMAAD———————
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online