Madaxweyne Gaas oo Garoowe uga qayb galay Munaasabad lagu soo xirayey Tartana Quraanka.[Cod/Masawiro]

June 28, 2016 - Written by Editor

IMG_7386

Garoowe:-Waxaa maantay kadhacday Masjidka Alhuda Xaflad balaaran oo lagu sooxirayay Tartana Qur’aanka Heer puntland  Xafladaan oo ahayd mid siwanaagsan loo soo Agaasiay waxaa kasoo qay galay Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi wali Maxamed Cali Gaas Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xubna hasocda Waaarada Cadaalada Xildhibaano Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj Xubno asocday Shirkadda Isgaarsiinta Golis Iyo Marti sharaf Kaloo Badan.

Xafladaan Oo ahayd tii 5aad oo caynkaan oo kale ah ayaa sanadwalbba marka lagaaro 10danbe ee ramadaan Mu’asasada Alminhaaj waxay qabataan Tartan Ay kasoo qayb galaan Dhamaan Degmooyinka Puntland waxaana sanadwalba ardayda lagudoon siiyaa abaal marimo kaladuwan.

Faarax Xaaji Mire oo Ku hadlayay Magaca Shirkada Isgaarsiinta Golis oo 5sano kahor iyadu soo noolaysay Tartankaan ayaa Qiray in Shirkada golis Ay ku faraxsan tahay Meesha uu marayo Tartankaan islamarkaana waan sii wadi doonaa Kaqayb qaadashada Tartanka ayuu Yiri M Mire .

Beldaje Ismacil Beldaje Yaasin oo isna goobta kahadlay ayaa amaanay shaqadaan qiimaha badan oo ay soo agaasintay Mu’asasada Alminhaaj  waxaana uu dhanka kale amaanay culimadii kusoo guulaysatay Nabadaynta Carmo

Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj ayaa isna dhankiisa u mahaceliyay Dhamaan Maalgaliyaashii kaqayb qaatay Tartankaa Oo uu ugu horeeyo Madaxweyne gaas iyo Golis waxaana uu raacshay in Sanadka ka soo socda  ay wax kabadali doonaan tartanka .

no images were found

Ugu danbayntii Madaxweyne gaas oo soo xiray Xaflada ayaa Amaanay dhaman iin tii kasoo shaqaysay Xafladaan Balaaran waxaana uu u duceyay Ardaydii Kutartamayay Qur’aanka Waxaana uu gudoon siiyay Ardaygii Galay kaalinta 1aad gaari nooca Raaxada ah waxaana uu Barxada Masjidka Alhuda Kugudoonsiiyay Furihii gaariga..

Hoos ka Dhagayso khudbada Madaxweyne Gaas uu ka jeediyey Xafladi lagu soo xiray tartana Quraanka ee Heer Puntland ee ka dhacday Masjidka Alhudaa ee Garoowe

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Codka-Madaxweynaha-2.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Nuur Jaamac Aadan
Garowe

 

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online