Puntland oo 43 Al-shabaab ah ka tirsan ku riday xukun dil ah.[Dhagayso]

June 18, 2016 - Written by Editor

maxaabiisGaroowe:-Maamulka Puntland ayaa sheegay in 43 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-shabab lagu xukumay dil toogashao ah kuwaasi oo lagu soo qabtay dagaalladii Garacad iyo togga Suuj ee bishii Maarso ee sannadkan dhacay. Maxkamad ku taalla magaalada Garoowe oo muddo saddex maalmood ah u fadhiday dhagaysiga dacwadda ka dhanka ah raggaasi ayaa sheegtay in dilkooda loo cuskaday falalka argagxisada ah iyo weerarka ay maleeshiyada Al-Shabab kusoo qaadday Puntland.

Isla maxkamadda ayaa shegetay in 2 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab xukunkooda dib loo dhigay iyada oo sida maxkamaddu sheegtay loo arkay inaysan weli qaangaarin. Bishii Maarso ee sannadkan ayaa Al-Shabab ay weerar ku qaadeen Puntland iyagoo adeegsanaya doonyo. Maamullada Puntland iyo Galmudug oo dagaal kula galay ciidamadaas degaano kala duwan ayaa sheegay inay dileen boqollaal maleehsiyaadka Al-Shabab ah kuwo kale oo badanna ay qabteen.

[audio: http://av.voanews.com/clips/VSO/2016/06/18/7a3f8fc2-b566-4bee-a743-1bd84d4a3bc2.mp3]
Source:VOA

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online