Tartanka Quraanka ee bisha Ramadaan oo lagu soo gabagabeeyey masjid Jaamaca Laascaanood.[Masawiro]
June 28, 2016 - Written by EditorLaascaanood:-Tartanka quraanka kariimka ah ee bisha ramadaan oo ka socday magaalada laascaanood ee xarunta G/sool ayaa lagu soo gababeeyey xaflad balaadhan oo lagu qabtay masjid jaamaca weyn ee magaalada. Xafladda oo ay soo qaban qaabisay jimciyadda quraanka kariimka ah ee Al-nuur ayaa waxaa kale oo ka soo qayb galay culimada gobolka, cuqaal, ganacsato ka socotay sharikadaha kala duwan ee magaalada,arday iyo macalimiin ka socday madaarista quraanka ,iyo waliba dadweyne fara badan iyadoona lagu furfurtay aayado ka mid ah quraanka kariimka ah.
Waxaa warbixin ku saabsan Jimcada Quraanka ee Al-Nuur halkaasi ka soo jeediyey Sh.Shucayb Saalax X.Warsame kana hadlay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay jimciyadan oo midaysa madaarista quraanka magaalada iyo waliba halka ay marayso iminka. Intaa ka dibna dhammaan marti-sharafkii ka soo qayb galay xafladda ayaa u mahad celiyey jimciyadda quraanka, madaarista iyo macalimiinta,waalidiinta caruurta ku soo tabcay,iyo waliba shirkadaha ganacsiga sidda shirkadaha isgaadhsiinta Telesom, Golis, shirkadda Korantada ee Lesco, shirkadaha Daawooyinka ee Mubaarak iyo Shaafici kuwaas oo sanad walba hirgaliya qabashada tantanka.
no images were found
Ugu dambayntiina waxaa halkaasi lagu abaal-mariyey 31 arday oo isugu jiray wiilal iyo hablo, kana koobna kuwo ku guulaystay 30 jis,20,10 iyo waliba 5.
Ahmed Said
Al-karam Las-anod