Tartanka Quraanka ee bisha Ramadaan oo lagu soo gabagabeeyey masjid Jaamaca Laascaanood.[Masawiro]

June 28, 2016 - Written by Editor

IMG_1221Laascaanood:-Tartanka quraanka kariimka ah ee bisha ramadaan oo ka socday magaalada laascaanood ee xarunta G/sool ayaa lagu soo gababeeyey xaflad balaadhan oo lagu qabtay masjid jaamaca weyn ee magaalada. Xafladda oo ay soo qaban qaabisay jimciyadda quraanka kariimka ah ee Al-nuur ayaa waxaa kale oo ka soo qayb galay culimada gobolka, cuqaal, ganacsato ka socotay sharikadaha kala duwan ee magaalada,arday iyo macalimiin ka socday madaarista quraanka ,iyo waliba dadweyne fara badan iyadoona lagu furfurtay aayado ka mid ah quraanka kariimka ah.

Waxaa warbixin ku saabsan Jimcada Quraanka ee Al-Nuur halkaasi ka soo jeediyey Sh.Shucayb Saalax X.Warsame kana hadlay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay jimciyadan oo midaysa madaarista quraanka magaalada iyo waliba halka ay marayso iminka. Intaa ka dibna dhammaan marti-sharafkii ka soo qayb galay xafladda ayaa u mahad celiyey jimciyadda quraanka, madaarista iyo macalimiinta,waalidiinta caruurta ku soo tabcay,iyo waliba shirkadaha ganacsiga sidda shirkadaha isgaadhsiinta Telesom, Golis, shirkadda Korantada ee Lesco, shirkadaha Daawooyinka ee Mubaarak iyo Shaafici kuwaas oo sanad walba hirgaliya qabashada tantanka.

Ugu dambayntiina waxaa halkaasi lagu abaal-mariyey 31 arday oo isugu jiray wiilal iyo hablo, kana koobna kuwo ku guulaystay 30 jis,20,10 iyo waliba 5.

Ahmed Said
Al-karam Las-anod

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online