Xildhibaan Cabdulaahi Xaaji Dayib oo ka waramay qaraxii Hotel Ambasador.[Dhagayso]

June 2, 2016 - Written by Editor

Ambasador-hotel-MuqdishoMuqdisho:-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn saaka soo geba gebeeyey howlgalkii hotel ambassador ee magaalada Muqdisho, oo xalay ay galeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Tirada dhimashada weerarka ayaa korortay waxaana wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar oo VOA la hadlay uu sheegay in weerarka hotelka ay ku dhinteen 17 qof.

Sidoo kale waxaa ciidamada amaanka ay dileen afartii dagaalyahan ee weerarka soo qaaday, ayada oo saddex qof oo kalena ay ku dhinteen isbitaalka, taasi oo tirada dhimashada guud ka dhigeysa 24 qof. Dadka dhintay waxaa ku jira xildhibaannada kala ahaa C/laahi Jaamac Xasan (Kaboweyne) iyo Maxamuud Maxamed Guure, kana mid ahaa mudanaashii ugu cad caddaa baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Illaa 48 qof oo dhaawac ayaa la geeyey isbitaalka madiina ee magaalada Muqidsho Hotelka ayaa waxaa sidoo kale laga soo bad-baadiyey dad gaaraya illaa 57 qof. Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa sheegay “in shacabka iyo dowladda aanay marna ka daali doonin dagaalka lagula jirao argagixisada”, wuxuuna tacsi u diray ehellada dadkii ku geeriyooday weerarka, oo ay ka mid ahaayeen laba xildhibaan.
C/casiis Xuseen ayaa wasiirka khadka taleefonak ee Muqdisho kula xiriira, wuxuuna weydiiyay, goorta ay ciidamada u suurtogashay inay hotelka gudaha u galaan oo howlgalka soo afjaraan.

Hoos ka Dhagayso Xildhibaan Cabdulaahi Xaaji Dayib oo ka waramay qaraxii Hotel Ambasador

[audio: http://av.voanews.com/clips/VSO/2016/06/02/6422b18d-bdd2-4fe4-93d0-d96e466e467f.mp3]
Source:VOA

Leave a comment

*

Archives
June 2016
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online