Al-shabaab oo dib ula wareegay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose
January 26, 2017 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay dib ula wareegeen maanta degmada Badhaadhe oo maalin ka hor ay qabsaden ciidamo huwan ah oo iskugu jira kuwa maamulka Jubbaland iyo Kenya. Ma ah marki ugu horaysay oo ciidamada Ajnabiga iyo kuwa Soomaalida oo isla socda ay deegaan ka qabsadaan ururka al-shabaab ka dibna ay dib uga baxaan waxaan arrimahaan oo kale ay ka dhaceen inta badan Gobollada Soomaaliyeed ee ku yaal Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Dhinac Kale sarkaal ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu xaqiijiyey in ay ciidankooda iyo kuwa Kenya ay dib uga baxeen degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose mana uusan faah faahin sababta ay uga baxeen degmada Badhaadhe.
Diyaaraha dagaalka ee Ciidanka Kenya ayaa duqeyn ka geystay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose waxaana ay duqeynta ay ku dileen dad shacab ah oo rayid ah oo iskugu jira haween iyo caruur halka dadka ku dhaawacmey duqeyntaasna la keenay Isbitaalka magaalada Ksimaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
A/cawaale
Halgan.net