Ciidamada NISA oo horistaagay kulan ay qabsan lahaayeen Xildhibaanada Galmudug
January 13, 2017 - Written by EditorCadaado:-Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada NISA ee ka tirsan DFS ay hor istaageen kulan ay qabsan lahaayeen 54 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug kuwaas oo xilka ka qaaday Madaxweyne Guuleed.
Xildhibaanada gaaraya 54 xildhibaan ayaa waxaa ay kulan rabeen in ay ku qabsadaan magaalada Cadaado waxaana markii ay diyaargaroobeen oo loo balansanaa in ay Kulmaan soo weeraray ciidamo ka tirsan nabasugida DFS ee NISA iyaga oo diiday in ay kulmaan waxaan halkaas ka dhacay buuq gaar ahaan Hotel Centeral.
Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo u waramay Halgan.net ayaa sheegay in DFS ay awood u isticmaaleyso xildhibaano ka tirsan Maamul gobaleed si xor ah u wata Maamulkiisa gaar ahaan xildhibaanada Galmudug ee xilka ka xayuubiyey Madaxweyne Ckariim Xusen Guuleed.
Dhanka kale Xildhibaanada ayaa soo saarey Wareegto ay ugu jawaabayaan golaha madasha Qaranka oo diiday xilka qaadista Madaxweyne Guuleed waxaana ay si kulul u sheegeen in madashu wakhtigeedii dhamaaday dalkana uu doortay gudoon baarlamaan Maamul walbana uu xor u yahay arimihiisa khaaska ah.
no images were found
Halgan.net
Cadaado