Ciidamada NISA oo horistaagay kulan ay qabsan lahaayeen Xildhibaanada Galmudug

January 13, 2017 - Written by Editor

Cadaado:-Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada NISA ee ka tirsan DFS ay hor istaageen kulan ay qabsan lahaayeen 54 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug kuwaas oo xilka ka qaaday Madaxweyne Guuleed.

Xildhibaanada gaaraya 54 xildhibaan ayaa waxaa ay kulan rabeen in ay ku qabsadaan magaalada Cadaado waxaana markii ay diyaargaroobeen oo loo balansanaa in ay Kulmaan soo weeraray ciidamo ka tirsan nabasugida DFS ee NISA iyaga oo diiday in ay kulmaan waxaan halkaas ka dhacay buuq  gaar ahaan Hotel Centeral.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo u waramay Halgan.net ayaa sheegay in DFS ay awood u isticmaaleyso xildhibaano ka tirsan Maamul gobaleed si xor ah u wata Maamulkiisa gaar ahaan xildhibaanada Galmudug ee xilka ka xayuubiyey Madaxweyne Ckariim Xusen Guuleed.

Dhanka kale Xildhibaanada ayaa soo saarey Wareegto ay ugu jawaabayaan golaha madasha Qaranka oo diiday xilka qaadista Madaxweyne Guuleed waxaana ay si kulul u sheegeen in madashu wakhtigeedii dhamaaday dalkana uu doortay gudoon baarlamaan Maamul walbana uu xor u yahay arimihiisa khaaska ah.

Halgan.net
Cadaado

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online