Ciidanka Difaaca Puntland oo Sheegtay in Khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab
January 16, 2017 - Written by EditorWararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa Puntland ay isku heleen buuraleyda Calmadow waxaana soo kala gaaray khasaaro kala duwan. Ilo wareed lagu kalsanoon yahay oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa Halgan.net u sheegtay in Al-Shabaab ay isku dayeen in ay miino ku aasaan ayna weeraraan saldhiga ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee Buuralayda Galgala ee gobolka Bari, waxaana ka war hayey dhaqdhaqaaaqooda ciidamada Puntland halkaasna waxaa ka dhacay dagaal kooban ooo khasaaro uu ka soo gaaray Al-Shabaab.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland oo sugan buuraleyda Calmadow ayaa sheegay mar uu la hadlay warbaahinta in jabsheen Al-Shabaab 3 askari ka dhimatay Puntland midna ka dhaawacmay halka Al-shabaab 20 dhaawac iyo 7 meyda ay arkeen waa sidda uu hadalka u dhigaye
Dagaalka ayaa dhacay xili habeen ah waxaana ciidamada Puntland xalay ilaa saaka ay howlgalo ka wadaan deegaanada buuraleyda ee ku dhow deegaanka Af-urur . Saraalkii ka tirsan Puntland ee ku sugan buuraleyda Calmadow ayaa sheegay inay ka digtoon yihiin weeraro ay soo qaadaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacisho oo ay Puntland si xun ugu jabisay dagaalo ay ku soo qaadeen deegaano ka tirsan Puntland waxaana u danbeeyey dagaaladii looga xoreeyey degmada Qandala kooxda Daacish.
Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Gaas ayaa khudbadiisii sanadlaha ahayd ku sheegay in Puntland iska difaacday jabweyna u geystay kooxaha Daacisho iyo Al-Shabaab isaga oo tusaale u soo qaatay Jabkii Al-Shabaab ka gaaray deeganada Suuj ,Garmaal , Degmada Garacad iyo halka Daacish uu laga saaray Degmada Qandala.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net