Guddoomiyaha Aqalka sare iy ku xigeenadiisa oo maanta la doortay
January 22, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la doortay doorashada guddoomiyaha Aqalka sare iyo ku xigeenadiisa waxaana gudoomiyaha Aqalka sare loo doortay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuuna helay 43 xildhibaan.
Doorashada gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamayey Xlidhibaanada kala ah Mustafe Maxamed Qodax, Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxaana goobjoog ka ahaa 52 xubnood waxaana markii danbe ku guuleystay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo helay 43 cod halka Mustafe Maxamed Qodax oo helay 9 cod.
Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si rasmi ah loogu caleema saaray guddoomiyihii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa la doortay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare , waxaana u tartamaya Musharaxiinta kala ah:-
Xasan Faarax Xujaale.
Axmed Xaashi Maxamuud
Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
Abshir Maxamed Maxamuud.
Cabdi Axmed Dhuxulow.
Maxamuud Axmed Maxamuud.
Cabdirisaaq Cusmaan Cali.
Xildhibaan Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Dhag Dheer ayaa waxay u tartameen Gudoomiye ku Xigeenka 1-aad Ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee dalka Soomaaliya waxaana ku guuleystay, Abshir Bukhaari wuxuuna helay 30 cod halka Xildhibaan Dhag Dheer uu halay 22 cod.
A/Cawale
Halgan.net