Guddoomiyaha Aqalka sare iy ku xigeenadiisa oo maanta la doortay

January 22, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la doortay doorashada guddoomiyaha Aqalka sare iyo ku xigeenadiisa waxaana gudoomiyaha Aqalka sare loo doortay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuuna helay 43 xildhibaan.

Doorashada gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamayey Xlidhibaanada kala ah Mustafe Maxamed Qodax, Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxaana goobjoog ka ahaa 52 xubnood waxaana markii danbe ku guuleystay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo helay 43 cod halka Mustafe Maxamed Qodax oo helay 9 cod.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si rasmi ah loogu caleema saaray guddoomiyihii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la doortay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare , waxaana u tartamaya Musharaxiinta kala ah:-
Xasan Faarax Xujaale.
Axmed Xaashi Maxamuud
Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
Abshir Maxamed Maxamuud.
Cabdi Axmed Dhuxulow.
Maxamuud Axmed Maxamuud.
Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Xildhibaan Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Dhag Dheer ayaa waxay u tartameen Gudoomiye ku Xigeenka 1-aad Ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee dalka Soomaaliya waxaana ku guuleystay, Abshir Bukhaari wuxuuna helay 30 cod halka Xildhibaan Dhag Dheer uu halay 22 cod.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online