Madaxwaynaha Puntland oo dhagax dhigay waddo isku xiraysa Qardho iyo B/Bayla.[Masawiro]
January 30, 2017 - Written by EditorQardho:-Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay waddo isku xiraysa magaalooyinka Qardho iyo Bandarbayla , kadib socdaal qaatay ku dhowaad todobaad uu ku marayay deegaano katirsan gobolada Bari iyo Karkaar. Madaxwaynaha oo ka hadlayay dhagax dhiga wadadaan ayaa sheegay in lagu hirgalinayo isku tashiga dowladda iyo shacabka , isagoona sheegay in wax wayn ka tari doonto isku xirka iyo horumarka gobolka Karkaar.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale soo kormeeray toga biyo gudood oo dhawaan ay ka hirgelisey Wasaarada Degaanka iyo Duurjoogta ee Dawladda Puntland biyo qabatin balaadhan oo ay ugu tala gashay in ay dadka degaanku ka faa’idaystaan.
Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u soo kicicitimay dhanka degmada Qardho waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Dhuudo ee gobolka karkaar, isagoona soo kormeeray dhismaha Boqor Cismaan alle ha’u naxariistee, dhismahaas oo ah mid la dhisay boqolaal sano ka hor.
Intaasi kadib Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa u soo kicitimay dhanka magaalada Dhudhub oo ay shacabka malaadasi si diiran u soo dhoweyen madaxweynaha Dawladda Puntland iyo weftigiisa. isla mar haantaana waxaa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray ceel biyood ku shaqaynaya tamarta cadceed (solar) oo ay hirgelisey Hay’adda Biyaha, Tamarta iyo khayraadka Dabiiciga ah ee Dawladda Puntland (PSAWEN).
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa mahad balaadhan u soo jeediyey Hay’adda Biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Dawladda Puntland (PSAWEN) isagoona ku amaanay cadeeyeyna inay tahay haya’d ka shaqaysa rabitaanka shacabka isla markaana ay gacanta ku hayaan shaqaale hawlkarnimo, wadanimo iyo daacabnimo ay ku jirto.
no images were found
Madaxwaynaha ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Qardho , isagoo lafilayo inuu uga sii gudbo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana ka hor inta uu soo gaarin Qardho ku geeriyooday shil gaari mid ka mid ah ilaalada madaxwaynaha , iyadoona mid kalena dhaawac uu soo gaaray.
–DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.