Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabatay magaalada Boosaaso (Daawo)

January 3, 2017 - Written by Editor

img_1177Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayey oo hawlo shaqo ugu maqnaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta 03 January 2017 sidiiran loogu soo dhoweeyey magaalada Bosaaso ee xarunta gobolaka Bari.

Soo dhoweynta madaxweynaha iyo weftigisa ayaa waxaa xarunta ganacsiga puntland ee boosaaso ku soo dhoweeyey maamulka gobolka Bari iyo kan degmada, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland iyo saraakiil ka mida madaxtooyada Dawladda puntland.

Ugu horayn madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii kala duwanaa ee u qabsoomay isaga iyo weftigiisa  intii ay ku sugnaayeen Caasimada Soomaaliya, isla markaana sigaara waxa uu uga hadlay guusha weyn ay ka gareen hogaanka madasha qaranka Soomaaliyeed dhamaystirka Doorashada Soomaaliya isagoona sheegay in ififaale wanaagsan uu ka muuqdey wada shaqaynta wanaagsan ee baarlamaanka Soomaaliya.

‘’waxaan mudo laba isbuuca ku sugnayn aniga iyo wefti aan hogaaminayey magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya waxaanuna ka qayb galay shirkii madasha wada tashiga Soomaliyeed, runtii waxay hogaanka madasha Soomaliyeed guulo weyn ka gareen sidii ay u dhamaystiri lahayeen doorashada soomaliya saad lawada socotaana baarlamaankii Soomaaliya wax uu gudanayo waa jibad kiisii shaqo, waxaan rajaynayna inuu isbedel dhaba oo Soomaali oo dhami ku aflaxdo uu yimaado’’ayuu yiri madaxweynaha Dawladda puntland

sidoo kale madaxweynaha ayaa u tacsiyey ehelkii qarabadii iyo qarankii ay ka baxeen sarakiishii iyo maamulihii madaxtooyada Boosaaso oo dhowaan ay dil u geesteen sharawadayaasha wakhrigoodu gabaabsiga yahay ee al-shabaab isa goona illahay uga baryey inuu u naxariista denbigoodana dhaafo samar iyo imaana ka siiyo shacabka reer Puntland iyo eheladii ay ka baxeen.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hanbalyo u diray ciidamada Dawladda Puntland guud ahaantood isagoona ku amaanay inay markasta u heelan yihiin sugida amniga iyo iska difaacida cadawyada ku soo duula dalkooda, isla markaana waxa uu si gaar ah u xisay ugana hanbalyeeyey guushii ay ka gareen lawareegida degmada Qandala ee gobolka Bari.

Ugu danabayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa illahay uga baryey inuu abaarta ka dulqaado ummadiisa uguna bedelo raxmadiisa, waxaana uu madaxweynu sheegay in Dawladda Puntland iyo shacabkeeda oo iskaashanaya ay marwalba la garab taagan yihiin sidii ay gargaar degdega ula gaari lahayeen dadka abaaruhu sameyeen ee reer Puntland.

–DHAMMAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA  HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online