Madaxweynaha Puntland oo socdaal ku tegaya saaka degmada Qandala ee Gobolka Bari
January 9, 2017 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo isniin la filayaa in ay safar shaqo ku gaari doonaa magaalada Taariikhiga ah ee Qandala ee Gobolka Bari, oo dib ugu soo noqotay gacan ku haynta ciidamada Puntland. Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku wehliya Socdaalkiisa, masuuliyiin ka tirsan Gobolka Bari, iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa, iyo weliba Saraakiil ciidan, Wafdiga Madaxweynaha ayaa wxaa ay kulamo la qaadan doonaan saraakiisha Ciidanka Puntland ee ku sugan Qandala iyo waxgaradka , ganacsatada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Ciidamada dowladda Puntland ayaa 26 October 2016 waxaa ay kala wareegeen gacan ku hayta degmada Qandala koox sheegtay in ay tahay ISS oo mud dhan 40 cisho ku sugnaa Qandala iyadoo dadkii ku noolaana ay ka barakaceen laguna soo dhaweeyey deegaano ku dhow dhow degmada Qandala.
Wixii ka soo kordha safarka Madaxweynaha Puntland kala soco Halgan.net
M_M_Deeq
Halgan.net