Xagee ka yimaadaan dhalinyarada ugu badan ee ku biira ISS ? ما خفي أعظم- تنظيم الدولة في بروكسل [Daawo Video]
January 5, 2017 - Written by EditorBelgium:-Waa Barmaamij kooban oo uu Tv-Al-jazeera qaybta carabiga uu ka diyaariyey qaabka ay dhalinyarad jooga dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Yurub ay ugu biiraan kooxda Daaicsh ee ka jirta dalalka Ciraaq iyo Syria. Barmaamijka Al-Jazeera ay diyaarisay waxaa loogu magacdaray ما خفي أعظم- تنظيم الدولة في بروكسل oo macanaheeda uu yahay ”Wax qarsoon ayaa weyn ururka ISS ee Belgium.” Wariyaha diyaariyey barmaamijkaan ayaa waxaa xog uu soo aruuriyey waxaa uu ku soo ogaaday in dhalinyarad ka baxay dalalka Yurub ay inta badan ay ka tageen dalka Belgium iyagoo inta badan ay wax xiriir ah aysan la lahayn Masaajidda qaarkood qaraxyada ka fuliyey dalalka Farance iyo Belgium ay galeen falal danbiyeedyo la xiriira Mukhaadaraadka.
Waxyaabaha ugu xiiso badnaa ee uu Wariyuhu soo aruuriya ayaa waxaa ka mid ahaa in dhalinyada u hayaamay dalalka Ciraaq iyo Syria ay inta badan ku xirnaayeen Xabsi ku yaala dalka Belgium ayna xog fiican ka hayeen bixitaakooda laamaha amniga ee Belgium. Wariyaha ayaa isku dayey in arrimahaan uu ka waraysatay dowladda dalka Belgium yo laamaha amniga balse arrinas ayaan u suurto gelin.
Hoos ka Daawo barmaamijkii ما خفي أعظم- تنظيم الدولة في بروكسل qaybtii 1aad
M_M_Deeq
Halgan.net