Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda kula wareegay Gawaari.[Masawiro]
April 3, 2017 - Written by EditorKismaayo:-Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/Sare Maxamed Adam Jimcaale Koofi ayaa maanta magaalada Kismaayo kula wareegay Gawaari luugu talagalay in lagu ilaaliyo Xaduudaha dalka. Gawaaridaan ayaa ah kuwo Casri ah oo intooda badan hadda laga isticmaalo dalalka horumaray waxaana ay gawaari daan sheegayaan in la ogaado haddii dad aan soo marin xarumaha laga ilaaliyo Xaduuda ay isku dayaan in ay gudban Xaduudaha waxaana ay gawaaridaan sahlayaan in si deg deg ah loo ogaado dadka sharcidarada ku gudbaaya Xaduuda iyo tirada ay yihiin isla markaana xaawaaraha gawaaridaan si dhaqso ah loogu tagi karo.
no images were found
Hay’adda IOM ayaa ugu deeqday Hay’adda Socdaalaka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxaana manta wixii ka dambeeya meesha ka baxday in si fudud lagu soo galo ama looga baxo xaduudaha dalka Soomaliya oo mudo 26 sano ah dayacnaa.
——-DHAMAAD——