Ilaalinta Midnimada Ummadda iyo Nidaamka Waa Waajib diini ah” Dr.Sh.Aadam iyo Sh Axmed Cabdisamed.[Video]
April 19, 2017 - Written by EditorBoosaaso: Waa darsigii xalay uu ka jeediyey Nadwo diini ah oo ka socotay Masjidka Rowda ee magaalada Boosaso Dr.Sh.Aadam Sh. Cali, Nadwada ayaa xalay gashay habeenkeedii 4aad ayaa uu Sheekhuka jeediyey muxaadaro uu ugu magacdaray “ Ilaalinta Midnimada Ummadda iyo Nidaamka Waa Waajib diini ah” .Shiikhu ayaa ugu horayn waxaa uu aad ugu dheeraaday Aayadaha Quraanka iyo axaadiiista nabiga (NNKH), ee tilmaamaya waajibnimada ilaalinta midnimada ummadda.
Waxaana ka mid ahaa :-
1- (وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا ۚ وَاذْكُرُوا نِعْمَتَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ كُنْتُمْ أَعْدَاءً فَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِكُمْ فَأَصْبَحْتُمْ بِنِعْمَتِهِ إِخْوَانًا وَكُنْتُمْ عَلَىٰ شَفَا حُفْرَةٍ مِنَ النَّارِ فَأَنْقَذَكُمْ مِنْهَا ۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمْ آيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ) [Suradda Al-Cimraan, aayadda 103].
2- (وَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ ۚ لَوْ أَنْفَقْتَ مَا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا مَا أَلَّفْتَ بَيْنَ قُلُوبِهِمْ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ أَلَّفَ بَيْنَهُمْ ۚ إِنَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ) [Suuradda Al-Anfaal 63]
3- وقوله صلى الله عليه وسلم :” إن الله يرضى لكم ثلاثا ، ويسخط لكم ثلاثا ، يرضى لكم : أن تعبدوه ولا تشركوا به شيئا ، وأن تعتصموا بحبل الله جميعا ، وأن تناصحوا من ولاه الله أمركم ، ويسخط لكم : قيل وقال ، وإضاعة المال ، وكثرة السؤال .”
4- وقوله صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ :”مَنْ أَرَادَ مِنْكُمْ بَحْبُوحَةَ الْجَنَّةِ ، فَلْيَلْزَمِ الْجَمَاعَةَ ، فَإِنَّ الشَّيْطَانَ مَعَ الْوَاحِدِ ، وَهُوَ مِنَ الاثْنَيْنِ أَبْعَدُ ” .
Aayadahaas iyo axaadiistaas ayaa dhamaantood tilmaamaya waajibnimada ilaalinta midnimada ummadda. Intaad ka dib waxa uu sheikh ka hadlay, ilaalinta nidaamka, ugu horayn waxa uu qeexay waxa la yiraah , wuxuuna ku tilmaamay: “ waa in qof kalgiis ama kooxda ay arrimaha isku aaddiyaan, isku aaddin ka dhigaysa mid toosan, isku aadintaasina waa in ay manhaj sharciya ka shidaal qaataan”.
shiikhu waxa uu tilmaamay in Tiirarka Islaamka kulligood tusaale u yihiin Nidaamka, sida Salaadda, soonka, sakada iyo xajka, sidoo kale dhamaan Tashriicaadka Alle kulligood nidaam bay ku dhisan yihiin, ayuu yiri shiikhu.
Ugu dambayn shiikhu waxa uu muxaadaradiisa kusoo gabagabeeyay, dardaarano ay ka mid ahaaayeen:-
1- qofka muslimka ah waa in shaqadiisa uu nidaamsadaa .
2- Waa inwaalidku jadwalka wakhti ku darsadaan ay caruurtooda kula ciyaaraan.
no images were found
Hoos ka Daawo muxaadaradii xalay uu ka jeediyuey Masjidka Rowda Dr.Sh.Aadam Sh. Cali
Intaa ka dib Waxaa muxaadara Tacliiqiyay Sh.Axmed C/Samad, wuxuuna dadka ku dhiirri galiyay in ay fuliyaan oo camal u bedalaan cilmiga muxaadara laga qaatay. Waxa uuna Sheekh. Axmed c/samed oo hadalka siiwata yiri “Muslimiintu markii ay madiina joogeen midnamadooda cadawgii gudaha (Yahuud iyo Munaafiqiin) iyo cadawgii dibadda waxay isaga dhiidhiyeen midnimadaas”, waxaa uuna shiikhu balan ka qaaday dhamaan dadwaynihii muxaadarada dhagaysanayay inay u istaagaan Midnimada ummadda.
Hoos ka daawo Tacliiqiyay Midaynta Umada Soomalieed Sh.Axmed C/Samad uu jeediyey xalay Nadwadii ka socotay Boosaaso
Mu’assada Al-minhaaj
Boosaaso,Halgan.net