Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Safar Shaqo U Aaday Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.[Masawiro]

April 4, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaami nayo ayaa maanta 04 April 2017 safar shaqo u aadey dalka isutaga Imaaraadka carabta. Madaxweynaha iyo wefti giisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kanooko ee magaalaga Garoowe ku sii sagootiyey gudoomiyaha koowaad iyo gudoomiyaha labaad ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo  saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha oo kahadlay safarka  ay ku tegeyaan isaga iyo weftigiisu dalka isutaga  Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu sheegay in uu daaranyahay arrimo la xiriira mashruuca casriyaynta iyo balaadhinta dekeda magaalada Boosaaso, kaas oo uu sheegay madaxweynuhu inuu marayo meelgebogebo ah.

‘’ waxaan maanta u ambabaxayaa dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo aan u aadayo    heshiiskii mudo soo socdey ee ahaa balaadhinta iyo casriyaynta dekeda magaalada Boosaaso, heshiis kaas oo mudo soo socdey gebagebadiisiina la marayo waxaan rajaynayaa inuu guul ku soo dhamaado, mashruucani waxaana uu wax weyn katarayaa kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland’’ ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in mashruucani uu dan u yahay horumarinta iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland, isla markaana uu wax wayn ka bedelidoono shaqooyinka dekeda xarunta ganasiga dawladda Puntland ee magaalada Boosaaso, waxaana uu ku booriyey shacabka Puntland inay ilaashadaan xasiloonida iyo kala danbaynta ay ku caanamaashay Puntland.

no images were found

Ugu Danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ayaa illahay uga baryey inuu ummadiisa ka dulqaado abaarta ugu na bedelo raxmadiisa.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online